Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad oo maanta la soo gabo gabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad oo maanta la soo gabo gabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Maanta si habsami leh loo soo gaba gaboobeeyay Imtixaanka Fasalka 8-aad oo afratii maalin ee la soo dhaafay ka socday 72 xarumood oo ku kala yaalo degmooyinka Gobalka Banaadir.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashad Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Baandir ayaa u mahadceliyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay hirgelinta imtixaanka, dhinaca kale waxa uu Hambalyo iyo bogaadin u diray ardaydii u fariisatay imtixaanka oo tiradooda aheyd 26,688 arday.

Related posts

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026

“Maanta waxaa noo soo gaba gaboobay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad oo noo soo bilowday 24-05-2021, sanad dugsiyeedka 2020/2021, Alle ka sokow waxaan u mahadcelineynaa cidkasta oo qeyb ka qaadatay in imtixaanka uu si guul ah noogu soo dhamaaday, Wasaaradda Waxbarashada oo kaalin ku leh, Maamulka Gobolka Banadir oo leh mas’uuliyadda qaadista imtixaanka, waxaana kaloo u mahadcelineynaa maamulada 72 xarumood na siiyay in ardayda ay imtixaanka ku galaan”. Ayuu yiri Mudane cabdiraxmaan Cumar Sheekh.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashad Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Sheekh Nuur ayaa xusay in todobaadka soo socda uu si rasmi ah u bilaaban doono imitxaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiga sare.

Previous Post

Somali leaders end country’s electoral impasse

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka Dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka Dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray Shirka Dhammeystirka Wadahadallada Hirgelinta Doorashada “SAWIRRO”

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

April 6, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

April 6, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulkadir Cali ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In