Thursday, September 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

In ka badan 200 khawaarij ah oo lagu dilay Shabeellaha dhexe

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
February 16, 2023
in Wararka
0
In ka badan 200 khawaarij ah oo lagu dilay Shabeellaha dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaqaday in dagaal sacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Iji ee gobolka Shabeellaha dhexe lagu dilay in ka badan 200 oo k tirsanaa kooxda khawaarijta.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  XFS oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa dib u xoreynta deegaannada, NISA iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Wasiirka ayaa xusay in sacadihii ugu danbeeyay ay howlgallo ka dhan ah khawaarijta ay ka dhaceen dowlad gobolleedayada Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland. isagoo sheegay in howlgalka ugu danbeeyay u ka dhacay deegaanka Iji oo 23-km u jiraa magaalada Mahaday ee gobolka Shabeellaha dhexe halkaas oo lagu beegsaday koox ka tirsan maleeshiyadka Khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada khawaaarijta  kuwaas oo u qaabilsana Uruurinta lacagah baada ah,dhaca xoolaha deegaanka iyo dilaalka qorsheysan, horjoogayaasha lagu dilay howlgalka ayaa waxaa ay kala yihiin, Salaad Maxamuud Siyaad oo u qaabilsanaa uruurinta lacagaha baada ah ee gobolka Shabeellaha dhexe dadka deegaankuna ay si weyn u yaqaaneen, sidoo kale waxaa kamid ah horjooge Yusuf Cali Sheekh oo ahaa horjooge khawaarijta u qaabilsana magaalada Fiidow iyo horjooge Sandheer oo ah Taliyaha aagaas, horjoogaha afarad ayaa ahaa Xuseen dheere waxaanu ku xigeen u ahaa  Salad Maxamuud Siyaad.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu qabtay maleeshiyaad qaba dhaawacayo culus, kuwaas oo lala tacalayo xaaladooda caafimaad, waxaa sidoo kale ciidanka ku furteen 300 oo qori kuwaas oo iskugu jira hubka culus iyo kuwa fudud iyadoo ay halkaas ciidanku kula wareegeen daawooyin,cuntooyin iyo agaabkii kale ee ay isticmaalayeen khawaarijtu.

Dhanka kale howlgal ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Afcad oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay tiro khawaarij ah, iyadoo wali uu socdo howlgalka.

Hawlgalladan ayaa intii ay socdeen waxa ciidanka Qaranka uga shihiiday 5 askari halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 7 askari.

Previous Post

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka qeyb-galay munaasabad Caleema saar ah

Next Post

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo Guddoomiyay kulanka Golaha joogtada ah ee BJFS

Next Post
Guddoomiyaha Golaha shacabka oo Guddoomiyay kulanka Golaha joogtada ah ee BJFS

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo Guddoomiyay kulanka Golaha joogtada ah ee BJFS

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In