In ka badan 50 mudane oo ka tirsana xildhibaannadii dhawaan mowshinka ka keenay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta caddeeyay iney wadahadal u bedelayaan mowshinkaasi.
Xildhibaanadan oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho ayaa soo saaray go’aan ay ku muujinayaan iney dib uga laabteen mowshinkii ka dhanka ahaa madaxweynaha, iyagoo xusay in taa bedelkeeda ay diyaar u yihiin wadahadal.
War saxaafadeed ay mudanayaashaasi ka soo saareen kulankooda maanta oo nuqul ka mid ah soo gaaray warbaahinta Qaranka ayna ku xusnaayeen 12 qodob ayaa lagu sheegay in ay qaateen baaqii guddoomiyaha baarlamanka ee ku wajahnaa in wadahadal lagu dhameeyo kala qeybsanaanta mudanayaasha ee la xiriirta mowshinka laga keenay madaxweynaha.
Xildhibaan C/laahi Maxamed Adan Shaacir oo ka mid ah mudanayaasha ayaa sheegay iney go’aankan qaateen markii ay tixgeliyeen baahida loo qabo dhameystirka dhismaha maamul goboleedyada, codsiga gudoomiyaha baarlamanka iyo kan beesha caalamka.
Sidoo kale xildhibaan Aamino Cumar oo hadashay ayaa sheegtay in xildhibaannada go’ankan qaatay ay intooda badan yihiin kuwii hore mowshinka uga keenay madaxweynaha, iyagoo garoowsaday xaaladda dalku marayo.
Sawir qaade Maxamed Cabdulaahi Feereeysane