Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbedelka Cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Isbedelka Cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
Axmed Nuur Cusmaan oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha Cimilada iyo deegaanka ayaa si qoto dheer kaga hadlay isbeddelka Cimilada oo dunida maanta meel kasta aad loo hadalhayo lana arkay saameyntiisa.
Aqooyahan Axmed Nuur Cusmaan oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa marka hore sharaxaad ka bixiyay isbeddelka Cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka.
”Isbeddelka Cimiladu, waa isbbedel ku dhacay Oogada dhulka ama hawada dhulka ku dahaaran taas oo saameyn ku yeelatay heer-kulka hawadaas kor u kacdo, taas oo sabab u ah isticmaalka shidaalka iyo xaalufinta dhirta iyo warshadaha qiiqa ay ku sii daayaan hawada,” ayuu yiri Aqoonyahan Axmed Nuur Cusmaan.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in markii ugu horeysay seynisyahanadu ay ogaadeen in adduunka meel khatar ah ku socdo marka loo eego isbeddelka Cimilada, islamarkaana ay go’aansadeen in ay la hadlaan dadka go’aannada masiiriga ah gaara si loo yareeyo qiiqa ay sii daayaan warshadaha, taas oo wasaqeyneysa hawada.
”Waxaa markii ugu horeysay dhibaatadan ogaaday seynisyahanada, seynisyahanada markii ay ogaadeen, iyagoo meel kala duwan jooga ayay waxay ogaadeen in adduunka meel khatar ah ku socdo, markii isku yimaadeen oo ay iswareysteen waxaa u soo baxday in ay dadka la hadlaan gaar ahaan dadka go’aannada masiiriga ah gaara dadka siyaasiyiinta ah iyo dad maalqabeenada ah ee warshadaha leh in ay arrintaan u sheegaan oo ay yiraahdaan in arrintaan wax laga qabtaa oo qiiqaan hawada lagu sii deynayo la yareeyo,”.
Ugu dambeyn, aqooyahan Axmed Nuur Cusmaan, ayaa kula taliyay Dowladda federaalka in ay ku dadaasho hoos u dhigidda Carbon dioxide-ka iyo in ay xoogga saarto siyaasadda lagula dagaallamayo waxyaabaha keenna isbeddelka Cimilida, wuxuu dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed baaq u jeeediyay, maaddaama ay yihiin dadka ugu badan ee dhibaato ka soo gaareyso isbeddelka Cimilada.
” Dowladda waxaan kula talinayaa in ay aad ugu dadaasho waxyaabaha ku saabsan sida loola dagaallamayo hoos u dhigidda  Kaar-boon Dhaay-ogsaydka ( Carbon-dioxide), si isbbedelka cimilada looga hortago in ay xoogga saarto in siyaasadda la qoro ka dibna xoogga la saaro, shacabka waxaan kula talinayaa in dhibaatada isbeddelka cimilada dadka ugu badan dhibaatada soo gaareyso in ay iyagu yihiin, waana la arkay waana la taabtay,”.
Shirar badan oo loo hadlayo isbeddelka cimilada iyo sidii wax looga qaban lahaa ayaa lagu qabtay meelo badan oo caalamka ah, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo wax ku ool ah oo lagu yareyn karo waxyaabaha sababa isbedelka cimilada iyo saameynta uu ku leeyahay deegaanka.
Previous Post

Mareykanka oo duqeeyay bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo qabtay mudaharaad ay ku diidan yihiin damaca gurracan ee Itoobiya

Next Post
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo qabtay mudaharaad ay ku diidan yihiin damaca gurracan ee Itoobiya

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo qabtay mudaharaad ay ku diidan yihiin damaca gurracan ee Itoobiya

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In