Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliya oo Xildhibaano afur ugu sameeyay Johannesburg-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliya oo Xildhibaano afur ugu sameeyay Johannesburg-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Johannseburg ayaa kulan afur sharafeed la qaadatay Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliyeed oo dalkani u jooga shir loogu hadlaayo Dastuurka, waxayna isugu jiraan Xildhibaanada Barlamaanka u qaabilsan Dastuurka, Gudigga madaxabanaan ee dib u eegista iyo hergalinta Dastuurka iyo  xubno ka socda Wasaaradda Dastuurka.

Ugu horeyn Jaaliyadda Soomaalida ee qeybaheyda kala duwan ee kulankaasi ka soo qeybgalay ayaa ugu mahadceliyay fursadda ay siiyeen madaxda qaranka inay la kulmaan Jaaliyadooda iyo sidoo kale safaaradda iyo guddiga Jaaliyadda oo isku xilqaamay inuu kulankan qabsoomo.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Suldaan Maxamed Cabdi Qooqaani oo ka mid ahaa Odayaashii madasha ka hadlay ayaa la dardaarmay Xildhibaanada,waxa uu yiri.

“Aniga waxaan rabaa inaan sedex shey idin sheego,kow inaad Soomaalida iska reebtaan waayo daacayado badan bay idinku heysaa,qodobka labaad inaad kala reebtaan waayo mida yiraahdo  xuduuda baa laguna soo xadgudbay, midda kale inaad cadowga ka dhicisaan waayo waxaan maqalnaa xeebihii waa la qaatay xuduudihii waa la qaatay”.

Qunsalka ahna Sii hayaha Safiirka Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika,Mudane Maxamed Cali Mire (Nabadoon) isna ka hadlay goobta ayaa yiri”Waxaan caawa ku faraxsanahay dadka halkaan jooga in ay yihiin mutacalimiin iyo dad dowladihii hore u soo shaqeeyay,dad ganacsata ah dad Arday ah iyo dhalinyaro soo korayso oo aan nasiib u yeelan Dastuur iyo Dowlad inay arkaan,waxaan ka Safaarad ahaan ku faraxsanahay dadkii xaqa u  lahaa su’aala inay fadhiyaan aadna ugu qeyb qaadataan”.

Maxamed Cabdalla sii-haya gudoomiyaha guddiga madaxbanaan ee Dastuurka oo ka hadlay gudigaas waxa u qabsoomay iyo meesha ay wax  marayaan.

“Marka ugu horeysa waxaan tixgalin doona Umadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan,waxaan tixgalinaynaa diinteena Islaamka,anaga dad Muslimiin ayaan nahay qawaawiinteena waxay ku dhisantahay Shareecada Islaamka,maxaa yeelay anaga waxaan heysanaa Manhalka ama waxaan kasoo qaadano waa afar,waa Kitaaballah SWT waa sunadda Rasuulka SCW waa qiyaasta iyo Ijmaaca,afartaas Culumada way isku raaceen meesha laga soo qaado,anaga Shareecada Islaamka ayaan ku dhisananay,Diinta Islaamkane waa la dhafarta Umadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogto maxaa yeelay waxaan nahay Umad Islaam ah”. Ayuu yiri Maxamed.

Xildhibaanad Fowsiyo Xaaji Aadan,Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda oo iyadana ka hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay la kulanto Jaaliyadda waxayna amaan badan u jeedisay ayadoo dhanka kalene sheegtay in Dalkeena yahay Dalka Aduunka ugu qanisan,waxeyna ugu baaqday Ganacsatada Soomaaliyeed inay Dalka dib ugu laabtan oo ay maalgashadaan.

Kulankan ayaa sidoo kale Jaaliyadda su’aalo u badnaa Dastuurka waxa ay weydiinayeen Xildhibaanada iyo Wasiirka Dastuurka.

Ganacsade Saneey Madaxeey Gacamey,Sheekh Axmed Dheere Afhayeenka Hay’adda Culumada Al Bayaan,Pro C/qaadir Cigaal iyo C/raxmaan Maxmuud Caana Mac oo iyaguna ka mid ahaa dadkii su,aalaha weydiyay ayaa su,aalahadooda u badnaa Dastuurka uu Dalka yeelanayo.

Ugu Dambeyntii Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxmuud Sh Xuseen oo goobta ka hadlay ayaa ayaa ka qeybgaliyaasha ugu mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin arimaha ku saabsan dastuurka.

“ Dastuurkan la idinkama yeelanayo mid Shacabka Soomaaliyeed meel walbuu joogo uu qeyb ka noqduu noqonayaa,ra’aygiina iyo wax walbana waad ka qeybgalaysan,ma ahan waad ka qeybgalaysaan mana ahan Dastuur cid gaar ah loogu daneynanayo Shacabka Soomaaliyeed oo dhanaa isla”. Ayuu yiri Wasiirka.

DSCN9830 DSCN9834 DSCN9837 DSCN9847 DSCN9851 DSCN9852 DSCN9858 DSCN9860 DSCN9862 DSCN9863 DSCN9867

C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka Johannseburg,Koonfur Afrika.

Previous Post

50 arday oo Taliska Boliiska oo tababar ugu direy dalka Uganda-Sawiro

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In