Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaaliyadda Soomaaliya oo Xildhibaano afur ugu sameeyay Johannesburg-Sawirro

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Jaaliyadda Soomaaliya oo Xildhibaano afur ugu sameeyay Johannesburg-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Johannseburg ayaa kulan afur sharafeed la qaadatay Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliyeed oo dalkani u jooga shir loogu hadlaayo Dastuurka, waxayna isugu jiraan Xildhibaanada Barlamaanka u qaabilsan Dastuurka, Gudigga madaxabanaan ee dib u eegista iyo hergalinta Dastuurka iyo  xubno ka socda Wasaaradda Dastuurka.

Ugu horeyn Jaaliyadda Soomaalida ee qeybaheyda kala duwan ee kulankaasi ka soo qeybgalay ayaa ugu mahadceliyay fursadda ay siiyeen madaxda qaranka inay la kulmaan Jaaliyadooda iyo sidoo kale safaaradda iyo guddiga Jaaliyadda oo isku xilqaamay inuu kulankan qabsoomo.

Related posts

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026

Suldaan Maxamed Cabdi Qooqaani oo ka mid ahaa Odayaashii madasha ka hadlay ayaa la dardaarmay Xildhibaanada,waxa uu yiri.

“Aniga waxaan rabaa inaan sedex shey idin sheego,kow inaad Soomaalida iska reebtaan waayo daacayado badan bay idinku heysaa,qodobka labaad inaad kala reebtaan waayo mida yiraahdo  xuduuda baa laguna soo xadgudbay, midda kale inaad cadowga ka dhicisaan waayo waxaan maqalnaa xeebihii waa la qaatay xuduudihii waa la qaatay”.

Qunsalka ahna Sii hayaha Safiirka Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika,Mudane Maxamed Cali Mire (Nabadoon) isna ka hadlay goobta ayaa yiri”Waxaan caawa ku faraxsanahay dadka halkaan jooga in ay yihiin mutacalimiin iyo dad dowladihii hore u soo shaqeeyay,dad ganacsata ah dad Arday ah iyo dhalinyaro soo korayso oo aan nasiib u yeelan Dastuur iyo Dowlad inay arkaan,waxaan ka Safaarad ahaan ku faraxsanahay dadkii xaqa u  lahaa su’aala inay fadhiyaan aadna ugu qeyb qaadataan”.

Maxamed Cabdalla sii-haya gudoomiyaha guddiga madaxbanaan ee Dastuurka oo ka hadlay gudigaas waxa u qabsoomay iyo meesha ay wax  marayaan.

“Marka ugu horeysa waxaan tixgalin doona Umadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan,waxaan tixgalinaynaa diinteena Islaamka,anaga dad Muslimiin ayaan nahay qawaawiinteena waxay ku dhisantahay Shareecada Islaamka,maxaa yeelay anaga waxaan heysanaa Manhalka ama waxaan kasoo qaadano waa afar,waa Kitaaballah SWT waa sunadda Rasuulka SCW waa qiyaasta iyo Ijmaaca,afartaas Culumada way isku raaceen meesha laga soo qaado,anaga Shareecada Islaamka ayaan ku dhisananay,Diinta Islaamkane waa la dhafarta Umadda Soomaaliyeed meel kasto ay joogto maxaa yeelay waxaan nahay Umad Islaam ah”. Ayuu yiri Maxamed.

Xildhibaanad Fowsiyo Xaaji Aadan,Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda oo iyadana ka hadashay ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay la kulanto Jaaliyadda waxayna amaan badan u jeedisay ayadoo dhanka kalene sheegtay in Dalkeena yahay Dalka Aduunka ugu qanisan,waxeyna ugu baaqday Ganacsatada Soomaaliyeed inay Dalka dib ugu laabtan oo ay maalgashadaan.

Kulankan ayaa sidoo kale Jaaliyadda su’aalo u badnaa Dastuurka waxa ay weydiinayeen Xildhibaanada iyo Wasiirka Dastuurka.

Ganacsade Saneey Madaxeey Gacamey,Sheekh Axmed Dheere Afhayeenka Hay’adda Culumada Al Bayaan,Pro C/qaadir Cigaal iyo C/raxmaan Maxmuud Caana Mac oo iyaguna ka mid ahaa dadkii su,aalaha weydiyay ayaa su,aalahadooda u badnaa Dastuurka uu Dalka yeelanayo.

Ugu Dambeyntii Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxmuud Sh Xuseen oo goobta ka hadlay ayaa ayaa ka qeybgaliyaasha ugu mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin arimaha ku saabsan dastuurka.

“ Dastuurkan la idinkama yeelanayo mid Shacabka Soomaaliyeed meel walbuu joogo uu qeyb ka noqduu noqonayaa,ra’aygiina iyo wax walbana waad ka qeybgalaysan,ma ahan waad ka qeybgalaysaan mana ahan Dastuur cid gaar ah loogu daneynanayo Shacabka Soomaaliyeed oo dhanaa isla”. Ayuu yiri Wasiirka.

DSCN9830 DSCN9834 DSCN9837 DSCN9847 DSCN9851 DSCN9852 DSCN9858 DSCN9860 DSCN9862 DSCN9863 DSCN9867

C/qaadir Axad Warbaahinta Qaranka Johannseburg,Koonfur Afrika.

Previous Post

50 arday oo Taliska Boliiska oo tababar ugu direy dalka Uganda-Sawiro

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

Wasiirka Gaashaandhigga oo dalka dib ugu soo laabtay-Sawirro

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In