Ujeedada furitaanka maktabadaan oo laga furay xaruumaha jaamacadda Soomaaliya ee kuyaalla Nawaaxiga Cismaan Geeddi Raage iyo 21 janaayo ee degmada Howlwadaag ayaa ah sidii sare loogu qaadi lahaa Tayada Aqoonta Ardayda.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa goob joog ahaa Mas’uuliyiin iyo Arday waxka Dhigta jaamacadd Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta jaamacadda ayaa sheegay in furitaanka maktabadahani ay waxbadan ka caawindoonto aradyda iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo cidkasta oo Jecel waxbarashada.
Prof Maxmed Nuur Warsame oo ah Guddoomiye kuxigeenka jaamacadda Soomaaliya ahna Madaxa Waxbarashada jaamacaddaas ayaa sheegay in Furitaanka Xarumahani ay Ahmiyad Gaar ah u leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed.
“Waxaan maanta furnay laba Maktabadood oo ay taallo 30 kun oo Buug oo Jamacadda Soomaaliya u Diyaarisay Aradayda ku xiran jaamacadda ama Ardayda Soomaaliyeed iyo Aqoonyahannada, taas oo laga furay xaruumaha 21ka janaayo, iyo Cismaan Geeddi Raage kaasi oo loogu talagalay in marka ay ardayda Cashirrada qaataan ay waxbadan kadiyaarin karaan Buugaagta yaalla Maktabadahaan la furay maanta.
Qaar kamid ah Ardaydii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa sheegay in ay tahay tallaabo dhanka horumarka waxbarashadooda, iyagoo ku booriyay maamulka jaamacadda in ay sii kordhiyaan dadaalkooda ku Aadan tayaynta Waxbarshada Ardayda Soomaaliyeed.
Marka laga hadlayo heerka waxbarasho ee dalka waxaa inta badan gaabis ahayd in la helo maktabado culuumta qeybeheeda kala duwan laga daalacdo waxaana daah saarnaa aqrinta Buugaagta kala duwan, waxaasa maanta xusid mudan in Muqdisho laga Furo Maktabad ay sahlayso in si fudud kor uu ugu qaadmo aqoonta ardayda wax ka dhigta jaamacadaha dalka gaar ahaan jaamacadda Soomaaliya uu kor ugu qaadmo.