Wednesday, August 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jubbaland oo gargaar gaarsiisay dadka ay abaartu ku sameeysay degannada maamulkasi “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guud ahaan deegaannada Jubbaland waxaa bilihii lasoo dhaafay ka jiray abaaro daran oo saameeyay dadka xoolo dhaqatada, Beeraleeyda iyo guud ahaan bulshada.

Intaas waxaa sii dheer xoolo dhaqato iyo dad ree guura ah oo kasoo barakacay dalalka dariska ah oo soo gaaray Gobolada Jubbaland.

Related posts

Sheekh Cabdullaahi Zulfa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Sheekh Cabdullaahi Zulfa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

August 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

August 11, 2026

Tiro gaaraysa 174,000 oo qoys ayaa ku barakacay abaarta iyo saamanteeda laga soo bilaabo Oktoobar 2021, iyadoo dadkaas ay wajahaday cuno yari baahsan iyo biyo la’aan meelaha qaarna wali dadku ay la il daran yihiin.

Gobolka Jubbada Hoose oo kaliya waxaa ku barakacay 76,000 oo qoys halka sidoo kale Jubada dhexe ay ku barakeceen dad gaaraya 40,000, gobolka Gedo isagana waxaa ku barakacay 58,000 qoys ilaa bilowga sanadkan.

Dowlada Jubbaland waxay awoodeeda isugu gaysay sidii gurmad baaxad leh loola gaari lahaa dadka dhibaatadu ay gaartay

In ka badan 250 deegaan guud ahaan Jubbaland ayaa la gaarsiiyay gurmad kala duwan oo isugu jiro cuno iyo biyo, sidoo kale waxaan meelaha qaar la geeyay howlwadeeno iyo dhakhaatiir caafimaad oo la tacaala xanuunka #Covid19 oo meelaha qaar aad ugu faafay.

Iyadoo ay jiraan dadaaladaas baaxada leh, hadana wali dhibaatada abaartu waa mid u baahan gurmad dheeraad ah.

“Waxaan ugu baaqayaa dhamaan hay’adaha gargaarka iyo cid walba oo ka qeyb qaadan karta inay taageero ka gaysato gurmadka aan wadno”. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxeynaha dowlad goboleedka Jubbaland

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo balan qaaday in gargaar la gaarsiin doono dadka ay abaarahu saameeyeen “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo balan qaaday in gargaar la gaarsiin doono dadka ay abaarahu saameeyeen “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo balan qaaday in gargaar la gaarsiin doono dadka ay abaarahu saameeyeen "SAWIRRO"

Sheekh Cabdullaahi Zulfa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Sheekh Cabdullaahi Zulfa oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

August 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga 

August 11, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya- 11 Agoosto, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa wadahadal...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Carabta

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Carabta

August 11, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 11 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan hubaa in wax-soo-saarka beeraha uu muhiim u yahay Dalkeenna”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Waxaan hubaa in wax-soo-saarka beeraha uu muhiim u yahay Dalkeenna”.

August 11, 2026
0

Muqdisho, Talaado 11 Agoosto 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In