Ammaanku waa udub dhexaadka nolosha, la’aantiisa suurto gal ma ahan in dal iyo dad meel ku wada nooli horumar ka gaaraan dhinac kasta oo noloshooda ah.
Laamaha ammaanka ee dowladda ayaa u xil saaran sugidda ammaanka dalka iyo dadka, laakiin taas macneheedu ma ahan in ay kaligood amniga xaqiijin karaan.
Bulshada ayay saaran tahay mas’uuliyad aad u weyn oo ku aaddan ammaanka iyo adkeyntiisa, taas oo ah in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka qaabilsan ee dowladda, si looga hor tago wax kasta oo amniga khatar ku ah.
Waa mas’uuliyad bulsho oo qof kasta saaran in uu ka qeyb qaato xoojinta nabad gelyada.
Kaalinta Bulshadu ku leeyihiin sugidda nabad gelyada, waa mowduuca toddobaadkan ee barnaamijka Tubta Toosan oo uu nagala qeyb galayo Sheikh Cali Sheikh Maxamuud ( Sheikh Cali Dheere).