Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kaalinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuq maasuqa ee hannaanka Doorashoyinka Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Kaalinta Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuq maasuqa ee hannaanka Doorashoyinka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah guddi qaran oo madax-bannaan, wuxuu adkeynayaa kaalinta Guddiga ee xaqiijinta xoojinta hannaanka doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan; inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed; lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.

Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

Related posts

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026

Guddigu wuxuu hoosta ka xariiqayaa inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, waxaana naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay. Guddigu wuxuu ka digayaa ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka taas oo carqaladeyn xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay. Guddiguwuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo ka dib doorashooyinka.

Guddigu wuxuu markale ku celinayaa in fursadaha ol’olaha doorashada ay noqdaan kuwo ay u siman yihiin dhamaan musharaxiinta oo ay ku jiraan musharrixiinta haweenka iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyadaha la hayb sooco.  Kormeerayaasha ka socda Guddiga ayaa loo xilsaarayaa, kuna heyn doona isha goobaha codbixinta ee dalka oo idil.

Marka la eego dabeecadda gaarka ah ee geeddi-socodka doorashooyinka dalkeenna, Guddigu wuxuu ahmiyad gaar siin doonaa Habka Baarista Dembiyada Doorashada oo ay ku jiraan xadgudubyada maamul iyo kuwa dembiyeed labadaba. Sidoo kale, Guddigu wuxuu billaabi doonaa wacyigelinta bulshada, waxaana ugu baaqeynaa daneeyeyaasha maxalliga ah, kuwa qaran iyo kuwa caalamiga ahba inay nagu gacan siiyaan gudashada waajibaadka Guddiga.

Guddigu wuxuu xusuusinayaa dhammaan hawl-wadeennada doorashooyinka- oo ay ku jiraan  kuwa heer federal iyo heer maamul gobolleed- in laga doonayo madax-bannaani, dhex-dhexaadnimo iyo isla xisaabtan. Guddiyada doorashada waxaan xusuusineysaa inay si adag u hoggaansamaan sharciyada qaranka iyo qaab-dhismeedka sharciga ee doorashooyinka.

IACC waxay ku martiqaadeysaa xubnaha bulshada caalamka inay door muhiim ah oo gaarsiisan inay heer kormeer madax-bannaan oo leh dhex-dhexaadnimo iyo carqalad la’aan ah ka ciyaaraan doorashooyinka Soomaaliya si waafaqsan heerarka caalamiga ah.

 

 

 

 

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo fataahadda deegaanada Hir-shabeelle kala hadashay wasiiro ka tirsan maamulkaasi

Next Post

IACC’s oversight role in transparent, fair and democratic electoral process in Somalia

Next Post
IACC’s oversight role in transparent, fair and democratic electoral process in Somalia

IACC’s oversight role in transparent, fair and democratic electoral process in Somalia

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

Hay’adda Socdaalka oo soo saartay digniin adag

January 8, 2026
0

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saartay isticmaalka aan la ogolayn ee hawada Soomaaliya...

Wasiirka Arrimaha dibedda Masar iyo Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlay midnimada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibedda Masar iyo Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlay midnimada Soomaaliya

January 8, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Dr. Badr Cabdulcaati iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane António Guterres oo qadka taleefanka ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In