Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Kaalinta Turkiga ee Soomaaliya iyo Taageerada Niyadsami leh ee Waqtiga Adag

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Madaxweynaha Turkiga oo Mashaariic Horumarineed ka hirgaliyay Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxay Soomaaliya ka soo kabanaysaa hadimooyinkii gaadhay ciidamada Qalabka sida ee Soomaliyana, waxay si wadajir ah ula hawlgalayaan kuwa midowga Afrika, iyagoo dib-u-hantay inta badan xarumaha dadweynaha Soomaaliyeed iyo kaabayaasha muhiimka ah oy ka mid yihiin; dekadda Barawe, islamarkaana uu horumar lixaad leh ku tallaabsanayo qaab-dhismeedka dawladdeenna muddo kooban marka la eego awoodda iyo fulintooda, si loo xaqiijyo โ€˜higsiga โ€˜qorshaha ee 2016โ€™โ€“ sannakaas oo aynu qaban doonno doorashooyin guud taasoo aynu si dhab ah u xaqiijin doono.

Mid ka mid ah arrimaha aan soo xusayna suuragal ma noqoteen, hadddii aanan taageero iyo kaalmo deeqsinimo leh ka helin beesha caalamka, gaar ahaan dalka Turkiga – iyo madaxweynihiisaโ€“isagoo tusaale waafi ah u noqon kara kaalinta wax-ku-oolka ah ee ay ka qaateen dib-u-soo-kabashada dalka.

Related posts

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š  ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

August 22, 2026

Waxay Dawladda Turkigu soo bandhigtay horumar baahsan oo dhinacyo badan taabanaya, iyadoo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed fursad u siisay inay ka wada faaโ€™iidaystaan wax qabadka ku salaysan ajendada lahaanshaha bulshada, taasoo sare u qaadday dareenka shacbiga, kalsoonida iyo niyadsamida ay u hayaan taageeradooda joogtada ah.

Wuxuuna Turkigu si buuxda isu waafajiyey baahida jirta, isagoo isku-dhafaya dadaallo kala duwan oo ku wejahan hab-raacyada taabbagelinta horumarinta ee ay ka mid yihiin; gargaarka biniโ€™aadminnimada, horumarinta mashaariicda iyo hirgelinta maalgashiga dalka.

Dawladda Turkigu, waxay kaloo xaqiijisay in taababgelinta iyo joogtaynta horumarintu aysan ahayn oo keliya awaaiir dibadda laga soo waariday, baahida ka tarjumaysa jaran-jarada siyaasadda, taasoo marna talaabo la qaadayo.

Balse hawlgalka Turkigu, waa mawjad mashaariic ah oo mar keliya la wada hirgelinayo, waxayna ku dhisan tahay awood dabiici ah, iyadoo safka hore ay hawlgalladaas kaga jiraan dadweynaha Soomaaliyeed. Wuxuu Turkigu maalgeliyey kaabayaasha dhaqaalaha, dhismayaasha cisbitaallada, dib-u-dhiska dhismayaasha hantida dawladda iyo qodista ceelasha. Waxay tababarro u fidiyeen Dhakhaatiirteenna, macallimiinta iyo shaqaalaha rayidka ah.

Waxay Turkigu deeqo waxbarasho u fidiyeen in ka badan 1,000 arday, iyadgoo fursad u siiyey inay ubadkennu dibadaha aqoon dheeraad ah ka soo qaataan. waxay dalka soo galiyeen ganacsi is-beddelo lixaad leh ku sameeyey muuqaalka magaalada Mogadishu, islamarkaana ku dhiirregeliyey inay shirkado fara badan dalka yimaadaan, ayna is-bedel ku sameeyaan maalgashiga iyo mashaariicda wax-soo-saarka dalka, ayna ka mid yihiin; soo celinta adeegyada dekedda iyo garoonka diyaaradaha oo sare u qaadday dakhliga iyo dhaqaalaha dalka.

Maanta, imaatinka rakaabka la socda shirkadda Turkish Airlinesโ€™ ee hawada sare ee Mogadishu ka soo degaysa, waxay si joogto ah inoo xusuusinaysaa xasiloonida sii kordhaysa iyo kalsoonida aynu ku qabno taageerada deeqsinnimada leh ee Turkigu noo fidinayo.

Marna Turkigu lama sugayaan maalgelinta taageeradooda ilaa inta xasilooni buuxda uu dalku ka gaarayo, waxayna maalkooda u hurayaan sidii uu dalku horumar taam ah ku xaqiijin lahaa.

Halka maalgeliyayaasha kale ee caalamiga ahi ay qorshohooda ka hirgaliyaan meelo kale oo dunida ka mid ah, waxayna Turkigu dadkooda u soo diraan gudaha Soomaaliya , iyagoo sare u qaadaya xaddiga ugu sarreeya ee khibradda iyo dhaqaalaha maalgelinta ku habboon.

Hayโ€™adaha gargaarka ee dalka Turkigu, waxay si toos ah taageero u gaarsiiyaan dadka tabaalaysan, si ay u kordhiyaan saamaynta waxtarka leh ee ay adeegyadaasi u leeyihiin. Waxanan tusaale u soo qaadan karnaa Tababarrada ay ka fuliyaan cisbitaallada magaalada Mogadishu, wuxuuna Turkigu ku qalabeeyey cisbitaalka 400-sariirood, iyagoo tabbabaro xiriir ah ay u fudinaya dhakhaatiirta Maggaalada Mogadishu ka hawlgala, si sare loogu qaado khibraddooda dhinaca gargaarka caafimaadka ee ay bukaannadu u baahan yihiin.

Tallaabooyinkani waxay daah-fureen in hayโ€™adaha horumarinta Turkigu ay ku sifoobaan la hawl-galayasha ugu haboon ee si siman ula shaqeeya hayโ€™adaha dawladda, bulshada maxaliga ah iyo ganacsatadaba.

Isku soo wada duuboo, madaxweynaha dawladda Turkiga Muadane Recep Tayyip Erdogan, wuxuu kaalin hormuudnimo ka qaatay hawlgalkaas.

Laga soo bilaabo ilaa horraantii sannadkii 2011-kii isagoo xilligaas ahaa raโ€™iisul wasaare, ayaa waxa uu booqasho ku yimid dalka Soomaaliyaโ€“ isagoo noqday masโ€™uulkii ugu sarreeyey ee darajadiisoo kale gaaray oo cagta soo dhiga dalkeenna in ka badan 200! Isaga ayaana indhaha caalamka ku soo jeediyey, wuxuuna shucladda u qaaday baaqii caalamiga ahaa ee sida tooska ah uu ugu soo bandhigay beesha caakamku inay wadajir ahaan uga qayb qaadato dib-u-dhalashada iyo horumarinta dalka Soomaaliya.

Laga soo bilaabo dib-u-cuarashadaas, Turkigu wuxuu Soomaaliya ula dhaqmayey la-hawl-gale isku-dheellitiran, isagoo xurmaynayey codsiyadii kala duwanaa iyo mudnaan-siinta barnaamijyada dib-u-soo-kabashada ee ay Soomaalidu soo jeediyeen.
Waxay Aragtida dawladda Turkiga ku salaysan tahay hadaf ku wejahan Mustaqbalka Soomaaliya ee dhinacyada la-hawlgalka ganacsiga, fursad siinta tallabooyinka horumarinta, isku-dheellitirka xiriirrada waafaqsan is-qadarinta, iyo iskaashi yiddidiilo leh.

Kaalinta Turkiga ee dhinacyada horumarinta iyo xasilinta dalka Soomaaliya, waxay astaan muhiim ah u tahay hab-raaca Taageerada Niyadsamida leh ee Waqtiga Adag ee uu dalku imminka marayo, annagoo si weyn u rajaynayna inaynu saaxiibtinnimo waarta ay na dhex mari doonto xilliga barwaaqada ah ee mustaqbalka nagu soo fool leh

Previous Post

Raโ€™iisul wasaare Cumar Cabdirashiid oo booqashada Madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay mid taariihi u ah shacabka

Next Post

Isbitaalka Digfeer oo xariga laga jaray” Daawo sawiro”

Next Post
Isbitaalka Digfeer oo xariga laga jaray” Daawo sawiro”

Isbitaalka Digfeer oo xariga laga jaray" Daawo sawiro"

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

August 22, 2026
0

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada iyo goobaha ay ka dhacaan ayaa loo soo xiray saraakiil iyo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š  ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ก๐š๐ญ๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š

August 22, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta...

Ciidanka Xoogga Dalka  oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Baay

August 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howgal qorsheyn ka fuliyey gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

August 22, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Mudane Christophoros Politis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In