Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka ayaa maanta furay kulan looga hadlayay kobcinta dhaqaalaha caasimadda, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Kulan oo ay ka qeyb galeen Madaxda Jaamacadaha Gobolka Benaadir, ganacsato, ururrada bulshada rayidka iyo xubno kale ayaa diirada lagu saaray dhisidda Madasha kobcinta dhaqaalaha gudaha oo ay iska kaashanaya Hay’adda ILO iyo madashan, kaasi oo isku xiraya ganacsatada, ururrada bulshada rayidka iyo dowladda Hoose Xamar.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Cabdiqaadir Muxudiin Axmed oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Madashan ay ka koobantahay saddex qeyb oo kala ah bulshada rayidka, ganacsto iyo dowladda Hoose ee Xamar, isla markaana uu yahay mid lagu soo nooleeynayo kabayaashii dhaqaalaha ee dalka.

Hormuudka Jaamcadda SIU Prof Yaxye Cali Ibraahim oo ka mid ah ahaa mas’uuliyiintii Jaamcadaha ee kulanka lagu casuumay ayaa sheegay in tani ay gogol xaar u noqon doonto dhaqaalaha maxaliga ah ee dalka, isla markaana horseedeyso in la gaaro horumar dhanka dhaqaalaha ah.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobalka Benaadir Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa sheegay in madashan ay u furantahay dhamaan ganacsatada Gobolka Benaadir.

“Dowladda Hoose ee Xamar, canshuur ayuu qaadaa, adeegna wuu ku qabtaa, in dadku ay talo ku yeeshaan waxkasta oo la qabanayo iyo kobcinta dhaqaalaha waa mid muhiim ah, marka waxaan u mahadcelinayaa hay’adda ILO iyo dadkii isku howlay in la sameeyo madal ay bulshada kaga kobcin karaan dhaqaalaha gudaha” ayuu yiri Ismaaciil Macalin Cabdi Guure.

Madasha kobcinta dhaqaalaha gudaha ayaa ah mid laga isticmaalo wadamada dhaqaalahooda soo koraya, waxaana dadkii ka hadlay ay tilmaameen inay tahay mid lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

DSC_0021

DSCF1984

DSCF1994

DSCF1998

DSCF2012

DSCF2022

DSCF2037

DSCF2044

DSCF2045

DSCF2054

Sawir Qaade:- Jabiiba

Previous Post

Bur burin lagu sameeyay dhul si sharci darro ah looga deganaa Muwaadin Soomaaliyeed

Next Post

Qubrajoog dib u dayactir ku sameeyay waddo ku taal Beladweyne

Next Post
Qubrajoog dib u dayactir ku sameeyay waddo ku taal Beladweyne

Qubrajoog dib u dayactir ku sameeyay waddo ku taal Beladweyne

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In