Shir ay maanta magaalada Baydhabo ku yeesheen guddiga la socodka xaaladaha cudurka coronavirus ee Koofur Galbeed ayay ka soo saareen amaro cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka COVID-19.
Qodobada la soo saaray ayaa waxaaa ay kala yihiin;
- In bulshada lagu amray xirashada af-saarka (Face Mask) qofkii laga waayo lagu ganaaxi doono shan dollar
- In masaajidyada la seexan karin isla markaana meyd corona u dhintay la keeni Karin
- In ay la mamnuucay dhammaan kulamada, sida xafladaha, shirarka iyo wixii lamid ah
- Qofkii cudurka u dhinta waa in aaskiisa looga dambeeyaa wasaaradda caafimaadka Koofur Galbeed.
- Qofkii isaga shaki ama isku arka calaamadaha cudurka waa in uu si deg deg ah ula soo xiriiraa saraakiisha caafimaadka ama uu tagaa xarunta badqabka bulshada ee Koofur Galbeed
- Ugu danbeyn waxaa laga codsanayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka inay caawinaad deg deg ah la soo gaaraan Koonfur Galbeed.