Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Koofur Galbeed oo soo dhoweysay guusha laga gaaray deyn cafinta Soomaaliya

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Koofur Galbeed oo soo dhoweysay guusha laga gaaray deyn cafinta Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Dhallinyarada iyo cayaaraha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya, Xildhibaan, Cali dhuux Maxamed ayaa sheegay in ay si weyn u bogaadinayaan heerka uu haatam marayo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiir Cali dhuux oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa amaanay doorka wanaagsan ee ay Madaxda Dalka iyo kuwa maamul goboleedyada ka qaateen guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta, isagoo sheegay in wixii haatan ka dambeeya ay Soomaaliya ka yaraanayaan culeysyo badan oo ay ka mid yihiin samaynta Lacag cusub oo uu Dalku yeesho, dhinaca maal gashiga iyo shaqa abuurka.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Dhinaca kale, Wasiir Cali dhuux ayaa ku ammaanay ciidanka xoogga iyo kuwa daraawiishta Koofur Galbeed guulihii ay ka gaareen howl-gallada ay ku baacsanayaan Aragagixisada Al-Shabaab, kuwaasoo qaybo badan oo ka mid ah Shabeellada hoose ka xoreeyay kooxaha nabad-diidka, wuxuuna Shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan Ciidamada una tilmaamaan halka uu cadowga ku sugan yahay.

Cali dhuux Maxamed, Wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha KG ayaa ugu dambeyntii kula dardaarmay bulshada Soomaaliyeed in ay qaataan talooyinka ay madaxda Dalka usoo jeedisay Shacabka ee ku aaddanaa ka hortagga Cudurka Coronovirus, wuxuuna kula taliyay shacabka in ay joojiyaan isu imaashaha badan iyo is-dhexgalka si looga taxaddaro xanuunkan.

Previous Post

Dowladda Qatar oo soo dhaweysay deyn-cafinta Soomaaliya

Next Post

Guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan oo ardayda fariin u diray

Next Post

Guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan oo ardayda fariin u diray

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In