Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Dortmund iyo Hertha Berlin oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Bayern Munich,Wolfsburg,Dortmund iyo Hertha Berlin oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Stuttgart ayaa waxaa Mercedes-Benz Arena 0-2 uga badiyay kooxda Bayern Munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Arjen Robben,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
Arjen
Ciyaaryahan David Alaba ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Bayern Munich.
Alabacelee
Kooxda Bayern Munich ayaana badin labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka Jarmalka ee Bundesliga.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Bayern Munich ayaa gaartay guusheedii u horeysay ee horyaalka Jarmalka ee sanadka 2015.

Kooxda Bayern Munich ayaa horyaalka Jarmalka ku hogaamineyso 49-dhibcood,halka kooxda Stuttgart ay ugu hooseyso horyaalka.

Kooxda Wolfsburg ayaa garoonkeeda Volkswagen Arena 3-0 uga badisay kooxda Hoffenheim.

Kooxda Wolfsburg ayaa qeybtii hore ee ciyaarta labo gool dhalisay,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Bas Dost iyo Kevin de Bruyne,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Kevin de Bruyne ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Wolfsburg.

Kooxda Wolfsburg ayaa kaalinta labaad uga jirto horyaalka talyaaniga ee Bundesliga,waxana ay leedahay 41-dhibcood,halka kooxda Hoffenheim ay horyaalka uga jirto kaalinta todobaad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Kooxda SC Freiburg ayaa waxaa garoonkeeda Mage Solar Stadium 0-3 uga badiyay kooxda Borussia Dortmund.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii sagaalaad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Marco Reus,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.
goolMarco cele
Ciyaaryahan Pierre-Emerick Aubameyang ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta labo gool u dhaliyay kooxda Borussia Dortmund.
Aba
Kooxda Borussia Dortmund ayaa gaartay guusheedii u horeysay ilaa 5-tii bishii December ee sanadkii 2014.

Kooxaha Borussia Dortmund iyo Freiburg ayaa labaduba ka mid ah sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Mainz 05 ayaa waxaa garoonkeeda Coface Arena 0-2 uga badiyay kooxda Hertha Berlin.

Kooxda Herth Berlin ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhalisay labo gool,waxaana u kala dhaliyay ciyaaryahanada kala ah Jens Hegeler iyo Roy Beerens.

Kooxda Hertha Berlin ayaa kala horeynta horyaalka Jarmalka uga jirto kaalinta 13-aad,waxana ay leedahay 21-dhibcood,halka kooxda Mainz ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 22-dhibcood.

Previous Post

Maamulka Gobolka Hiiraan Iyo Ciidamada Ammaanka Oo Kala Dhex galay Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Beledweyne

Next Post

DAAWO-Xafiiska Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Laga Furay Jowhar

Next Post
DAAWO-Xafiiska Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Laga Furay Jowhar

DAAWO-Xafiiska Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Laga Furay Jowhar

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In