Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxda Atletico Madrid oo Real Madrid Ka Reebtay Koobka Copa Del Rey “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxda Atletico Madrid oo Real Madrid Ka Reebtay Koobka Copa Del Rey “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda Santiago Bernabeu uga hartay koobka boqortooyada ee Copa Del Rey,ka dib markii lugtii labaad ay barbardhac 2-2 ah ku kala baxeen kooxda ay ka wada dhisanyihiin caasimada Madrid ee Atletico Madrid.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa inta aysan bilaaban ciyaarta taageerayaasha kooxda Real Madrid garoonka Santiago Bernabeu ugu soo bandhigay abaal marinta FIFA Ballon D’or oo uu habiinkii isniinta ku soo guuleystay.
Rona fifaRona balonplayers

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Atletico Madrid ayaa lugtii koowaad garoonkeeda Vicente Calderón Stadium 2-0 uga soo badisay kooxda Real Madrid.

Ciyaaryahan Fernando Torres oo dhawaan si amaah ah ugu soo biiray kooxda Atletico Madrid ayaa daqiiqadii koowaad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxdiisa cusub.
Fer celee
Ciyaaryahan Sergio Ramos ayaa daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda Real Madrid,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta oo gacan sareysay kooxda Real Madrid.
Sergio goolSergio celee

Kooxda Real Madrid oo looga baahnaa in ay qeybtii danbe ee ciyaarta dhaliso sedax gool si ay ugu soo baxdo quarter finalka koobka Copa Del Rey ayaa waxaa hadane bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta gool labaad kaga naxsaday ciyaaryahan Fernando Torres.
gool
Torres 2Torres celee 2
t celee
sad
Kooxda Real Madrid ayaa xaaladu ku xumaatay,waxaana hadane looga baahday afar gool si ay u soo baxdo.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta gool labaad oo barbardhac ah u dhaliyay kooxda Real Madrid.
ron gool
Kooxda Atletico Madrid oo uu hogaamiyo macalin Diego Simeone ayaa isku cel celis ahaan 4-2 uga ugu soo baxday quarter Finalka koobka Copa Del Rey.

Kooxda Real Madrid oo uu hogaamiyo macalin Carlo Ancelotti ayaa ka hartay koobka Copa Del Rey oo ay daafacaneysay.

Previous Post

Safiirka Imaaraadka Ee Soomaaliya Oo Booqday Magaalada Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In