Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Koror dakhli oo soo if baxay (Faallo)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Koror dakhli oo soo if baxay (Faallo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dardargelinta kordhinta dakhliga dalka iyo la dagaalanka musuqa ayaa dowladan u ah hal u dheg, si taas oo looga dhabeeyo ayaa Wasiirka Maaliyadda waxa uu maalmahan kormeero is daba joog ah ku sameeyay ilaha dhaqaalaha Dalka gaar haan Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo qaar kamid ah howlwadeenada ayaa kormeer ku tagay Dekadda Magaalada Muqdisho, iyagoona u kuurgalayay sida ay uga socoto howsha ku aadan Dajinta Badeecadaha iyo ururinta Canshuuraadka.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Masuuliyiinta ayaa sheegay in kormeekoodu uu ku qotomo dhiirigelinta shaqaalaha iyo ilaalinta Amaanada dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, waxayna intaasi raaciyeen inay si qoto dheer ugu kuur-galeen qaabka shaqaalaha u shaqeynayaan iyo sida ay canshuuraha u qaadaan.

Wasiirka ayaa intii uu joogay halkaasi la kulmay Shaqaalaha Dekadda wuxuuna kala hadlay arrimo muhiim ah oo u badan in la tayeeyo howsha ka socota Dekadda Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in dowladda xuquuqda Shaqaalaha ay joogteyn doonto, si gaarana loo qiimeyn doono dadka waqtiga dheeriga shaqeeya, wuxuuna ugu dambeyn ku dhiirigaliyay shaqaalaha in ay ku dulqaataan duruufaha dalka ka jira iyo Dakhliga dowlada oo yar.

Madaxda sare ee ka socoto Wasaaradda Maaliyadda oo uu horkacayo Wasiir Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaa kaloo ay kormeer howleed ku sameeyay qeybta canshuuraha ee Garoonka Aadan Cadde, isagoo kulan la yeeshay Madaxda iyo shaqaalaha waaxdaasi, wuxuuna u sheegay in shaqaalaha looga baahan yahay in ay ka soo dhalaalaan waajibkooda Qaran, isla markaana xuquuqdooda loo dhameystiri doono.

Waaxda furdada ee garoonka Aadan Cadde ayaa dhowaan Maamul cusub loo sameeyay, iyadoo Madaxda cusub ay sheegeen in ay maalintii ka soo xareeyaan qeybtaas 70,000 $ (todobaatan kun oo doolar) halka maamulkii ka horeeyay ay keeni jireen lacag u dhaxeysa 30-40 kun oo doollar, Wasiir Beyle ayaa sheegay in Dakhliga ka soo xarooday Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ay uu dhan yahay 90%, halka markii hore ay ka soo xaroon jirtay 10%, taasi oo ku timid dadaalka, daba-galka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa ay ku guda jirto Xukuumadda.

Wasiirku goobaha uu kormeeray waxaa kaloo ka mid ah Xaruunta Hogaanka ilaalinta Canshuuradka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taasoo loogu talagalay inay ilaaliso Canshuuraha Dalka meelaha laga soo aruuriyo, waxayna ujeedku nahaa ayaa sidii loo dar dargalin lahaa aruurinta Canshuraha.

Masuulayiinta ayaa waxaa ku soo dhaweyay Xaruurntaasi Taliyaha Hogaaanka Canshuruaha iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka iyagoo ugu warbaxiyay howlaha ay hayaan iyo halka ay mareeyso, iyadoo Wasiirku Ku-xigeenka Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdulaahi Sheikh Cali uu sheegay in loo baahanahay in la xooojiyo qaabka loo aruuniyo Cansruuaha, wuxuuna yiri:“Dowlada waxaa ka go’an sidii wadanka loo gaarsiin lahaa horumar wanaagsan taasina waxaa lagu gaari karaa in aan xil iska sarno canshuurahana si wnaagsan loo qaado waa mida kaliya ee dalka lagu horumarin karo”Ayuu yari Wasiirka Qaloocow .

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomalaiya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xil layska saaro aruurinta canshuuraha, wuxuuna taa ka taa ka yiri: “Waa in la xoojiyo shaqada canshuur ururinta, taasi oo ah mid muhiim ah waana in ay ka dhaxeyso wada shaqeyn adiginka iyo shaqaalaha Wasaarada Maaliyada u xilsaaran canshuur arriinta guda jiro. Shacabka canshuru baxiyaasha ah in si wanaagsan loola dhaqmo loona isticmaalo lacagaha sida loogu talagalay”ayuu yari.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyada ayaa hooska ka xaqiiray in hoggaanka ilaalinta canshuuradadka ciidanka booliska shaqadooda loo madax banaaneeyo, wuxuuna arrintasi mka yiri: “Waa in loo dhaafo shaqadooda ciidnaka ilaalinta canshuraha Booliska shaqadoooda waxyaabo kale oo ka baxsan shaqadooda inaa loo dirsan, loogaga baahan yahay in ay shaqadooda xoojinayaan”.

Dhinaca kale Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay mushaaradka bil wlabo joogta u baxiso,sidoo kale muhiimad gaar ah la siiyo sugida amniga oo muhiim u ah dalka iyo korarka dakhliga wadanka, wuxuuna yiri: “xukuumada way ka go’an tahay in ay ay idin siiso mushaaraadkiina waana joogto amniga qeyb muhiim ah ka yahay xasilada dalka isla amrkaana qarshaaad loo helo. Si wadankeena xasilooni amni u helo sida aan ogtahiin dalkeena waa hodan waxaa ku jira kheyraad fara badan waxaana muhiiim ah inaa ka faa’iidesano”.

Shalay ayay aheyd markii uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda sheegay in dowladda Soomaaliya ay sameynayso qorshaha Canshuuraha looga soo aruurinaayo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Shacabka Soomaaliyeed iyagoo qanacsan laga soo qaadaayo Canshuuraha ,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in caddeyso lacagtaasi Dadweynaha laga soo aruuriyay halka ay ku baxday.

Mudane Beyle ayaa sidoo kale waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Canshuuraha bixiyaan ,si dalka horumar looga gaarsiiyo, wuxuuna u iftiimiyay Bulshada Soomaaliyeed kheyraadka ku jira Soomaaliya, isagoona xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Adduunka ugu kheyraadka badan.

Masuulayiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa maalmahaan dadaalo xooggan ugu jira sidiii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Wadanka iyo sidii dadka Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa in ay bixiyaan Canshuruaadka, waayo Canshuurta oo si wanaagsan loo bixiyaa, waxay dabooli kartaa baahida Xukuumadda.

Qallinka: C/laahi Ruush

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhagax dhigey Jidka Soddonka “SAWIRRO”

Next Post

Nin Hubeysan oo Dad ku laayay Caabudwaaq

Next Post
Nin Hubeysan oo Dad ku laayay Caabudwaaq

Nin Hubeysan oo Dad ku laayay Caabudwaaq

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In