Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku Dhawaad $200 Milyan Oo Laga Lunsaday Muwaadiniin Lagu Khiyaamay Maalgashiga Shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex trading).

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Ku Dhawaad $200 Milyan Oo Laga Lunsaday Muwaadiniin Lagu Khiyaamay Maalgashiga Shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka Lacagaha Qalaad (Forex trading).
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muuqaalka dadweyne bannaan baxaya oo ka cabanaya in la lunsaday lacagahooda ayaa Muqdisho caadi ka noqotay Afartii todobaad ee ugu dambeeyay, waxaa xigayay in bogagga ay baraha bulshada ku leeyihiin shirkado sheegta inay ka ganacsadaan Sarrifka lacagaha lagu shaaciyo inay khasaareen.

“Wareegii koowaad iyo wareegii labaad lacagtii aan qabanay ayaa guud ahaanba naga qasaartay waxaana ku qasbanaanay inaa mar kale lacag qabano si aan suuqa ugu sii jirno mar kale ayaa dib u furnay isdiiwaan galintii bisha Fibaraayo bilowgeedii iyadoo ay faa’ido naga sugayaan macaamiishii aan qabanay bilihii Diseember iyo Janaayo, lacagtii isdiiwaan galintaan kasoo xarootay waxaan u kala qeybinay qeyb aan faa’ido ahaan u bixino iyo qeyb aan suuqa galino” mid kamid ah shirkadaha dhaca geystay (Qaran) ayaa boggooda Facebook sidan ku soo qoray, taas oo muujineysa sida ay khiyaamadan u shaqeyso.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026

In ka badan 10 kooxood oo ku howlanaa in ay lacago ka uruuriyaan bulsahda Soomaaliyeed, iyaga oo ugu sheegayay inay maalgashanayaan shirkado ka shaqeeya sarrifka lacagaha qalaad (Forex), ayaa shaaciyay inay musallafeen, waxayna kooxahaasi lunsadeen lacag lagu qiyaasay $200 Milyan.

Horjoogayaasha kooxahan ayaa intooda badan dalka ka baxsaday, iyaga oo farriimo ay soo dhigeen baraha bulshada ku shaaciyay inay khasaareen. Nidaamka ay ku shaqeynayeen wuxuu ku dhisnaa in “Faa’idada maalgashadayaasha ugu horreeya la siiyo ka imanayso lacagaha laga qaado maalgashadayaasha dambe, marka la waayo macaamiil cusubna uu qof walba ogaado in la khiyaamay”.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowr goor muwaadiniinta uga digay Khiyaamadan, isaga oo caddeeyay in kooxahan aysan ahayn shirkado sarrif ka shaqeeya, isla markaana aysan ogolaansho ka heysan Bangiga Dhexe. Digniinta ayaa waxaa la socday wacyi gelin ballaaran oo Bangiga Dhexe ku sharraxay dhibaatada uu mashruucaan u geysan karo bulsahda Soomaaliyeed and xasiloonida habmaaliyadeedka dalka, taas oo la aaminsan yahay inay yareysay khasaarihii ay kooxahan geysan lahaayeen.

Dhanka kale waxaa jira kooxo howshoodii soo afjarantay, balse aan wali shaacin inay suuqa ka baxeen oo isku dayaya inay sii wadaan khiyaamadan iyaga maalgashadayaashii hore dejinaya una sheegay inay waqti dheeraad ah u baahan yihiin si ay faa’ido u bixiyaa, balse baaris aan sameynay waxaan ku ogaanay inaysan jirin lacag ay bixinyaan balse ay qorsheynayaan sidii ay dalka uga bixi lahaayeen.

Shirkada Hubaal, oo ay maalgashadayaasheedu gaarayaa 2,000 ayaa farriintan Boggeeda Facebook-ga soo dhigtay kadib markii ay xaruntooda ku xoomeen dad faa’ida ka doontay oo ku hungoobay:

 “Macaamiisha aan qaadan faa’iidoyin 29ka february iyo 5ta march, waxay qaadan doonan 2 bil ka dib. Macaamiisha qaatay faa’iidoyinka 10,15,20,25 february waxay faa’idoyinka qaadan doonan sadex bil ka dib insha ALLAH. Faa’iidada la qaadan doonana waxay noqon doontaa 100% haduu ALLE idmo”.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah oo lagu kalsoonyahay ayaa inoo xaqiijiyay in hay’adaha amnigu ay sheedda ka eegayaan dhaqdhaqaaqyada horjoogayaasha kooxahan si aysan dalka uga baxsan.

Khiyaamadani waa mid hore loogu dhacay waddamo badan oo adduunka soo koraya ah. Dalka Kenya ayaa ugu dambeeyay dalal badan khiyaamadan oo kale lagu xaalufiyay shacabkooda, iyada oo Balaayiin shilinka dalkaas ah si khiyaamo ah loogala baxsaday, taas oo keentay inay musallafaan kumannaan Kenyan ah oo horay u ladnaa.

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daah furay ololaha wacyigelinta ka hortagga cudurka COVID-19 “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

February 19, 2026
0

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay hoggaaminayaan madaxda qaranka ay horseed u noqotay in Soomaaliya hesho...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In