Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka oo ka hadlay ahmiyadda ay leedahay tartan aqooneedka degmooyinka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka oo ka hadlay ahmiyadda ay leedahay tartan aqooneedka degmooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa shir gudoomiyey kulan loogu hadlayay isu – diyaarinta qabashada Tartan Aqooneedka Degmooyinka iyo Degaannada Gobolka Banaadir ee Bisha Ramadaan iyo sameynta Isku aadka tartankaasi.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka, Agaasimaha xiriirka degmooyinka, mas’uuliyiin ka tirsan idaacadda Codka Caasimadda iyo dhamaan Guddoomiye Kuxigeennada Arrimaha Bulshada ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Tartan – Aqooneedkan oo ah mid sannadle ah, kana baxa Warbaabinta Gobolka Banaadir ayaa soo bilawday sannadkii 2014, iyadoona hadafka Maamulka Gobolka Banaadir ka leeyahay ay tahay in shacabka ku nool magaalo madaxda ay helaan madal aqoon – kororsi oo kobcisa Aqoonta isla markaana abuurta jawi isdhex, bisha barakeysan ee ramadaan awgiina loogu faa’ideysto Aqoonta Diiniga iyo Maadiga.

Ugu danbeyntii, Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa  bogaadiyey dadaalka ay idaacadda Codka Caasimadda ugu xusul – duubatay qabashada Tartan – Aqooneedkan, islamarkaana waxa uu ballan qaaday in maamulka Gobolka uu fulin doono waajibaadkiisa kaga beegan qabsoomidda Tartan Aqooneedka Degmooyinka iyo Degaannada Gobolka Banaadir.

Previous Post

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo tababbar diblomaasiyadeed u soo xiray 106 howlwadeen “SAWIRRO”

Next Post

Munaasabadda Waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo ka socoto Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Munaasabadda Waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo ka socoto Muqdisho “SAWIRRO”

Munaasabadda Waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo ka socoto Muqdisho "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In