Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Taliyaha NISA G/Sare Cabdulqadir “Dabaaldagga Sanadguurada 48 ee Aasaaska NISA Guul ayay noogu soo idlaatay” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Taliyaha NISA G/Sare Cabdulqadir “Dabaaldagga Sanadguurada 48 ee Aasaaska NISA Guul ayay noogu soo idlaatay” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u dabaa degtay 08 01 2018 oo ku beegneyd 48 Guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay 8-dii Janaayo 1970-kii,

Munaasibad ballaaran oo lagu qabtay taliska Hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeybgalay madaxda ugu sareeya dalka sida Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Ra;iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Fedaralaaka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale, Xubno ka tirsan sadexda Gole ee dowladda, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore ee NISA iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay dabaaldagga.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Sidoo kale munaasibadda waxaa lagu casuumay Fanaaniin Soomaaliyeed sida Fanaanadda Qaran ee Hoballada Qaranka Waaberi Faaduma Cali Jaamac (Nakruuma) iyo Kooxda Hilaac oo halkaas ku soo bandhigay heeso iyo ruwaayad ka hadleysay Amniga iyo falalka guracan ee Al Shabaab, iyagoo soo bandhigay ruwaayad hal ku dhiggeedu ahaa SHABAAB QARAX WADA HA U QIIL DIYIN, sidoo kale kooxda Baanda Muustiko ayaa iyana si talantaali ah u garaacayay muusig Astaanta Qaranka iyo Astaamo kale oo wadani ah.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoo heegan sare lagaliyay ciidamada amniga si looga hortago isku dagy walba oo ay qorsheynayeen kooxaha xagjirka Al Shabaab in ay ku carqaladeeyaan munaasibadda loogu dabaal dagayay Sanad guurada aas aaska Hay’adda NISA.

Madaxdii iyo mas’uuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qeybgalay xafladda ayaa jeediyay Qudbado qiiro leh oo ay ku muujinayeen qiimaha qaranimada Soomaaliyeed ay uga fadhiso NISA, waxayna si weyn uga hadleen taariikhda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya iyagoo ku ammaanay dadaalka Sirdonka iyo Amni Sugidda ee ay har iyo habeen u taaganyihiin Ciidamada iyo Saraakiisha NISA, iyo sida ay uga go’antahay in dalka dadka iyo diinta ka difaacaan cadawga gudaha iyo kan dibadda.

Mas’uuliyiinta Qudbadaha ka jeediyay Xafladda ayaa dhammaantood xafladda uga tacsiyeeyay Shuhadadii NISA uga dhintay difaaca Qaranka, iyagoo ballanqaaday in ay taageero buuxda la garab istaagi doonaan agoontii iyo ahelladii ay ka bexeen.

Waxaa Xusid mudan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo booqasho ku barayay Goballada Puntland uu halkaasi isna uga soo hambalyeeyay NISA .

Ugu Dambeyntii Kusimaha Taliyaha ahna taliye ku xigeenka HSNQ G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sanadguurada 48-aad ee NISA Aawadeed u hambalyeeyay Sareeyeyaasha, Saraakiisha, S/xigeenada, Alifleyda, Dableyda, howlwadeenada HSNQ Xaasaskooda iyo Caruurtooda, isagoo u rajeeyay Sanad Wacan oo Amni, Xasillooni iyo barwaaqo xambaarsan.

Sidoo kale ku simaha taliyaha ayaa Shuhadadii ka geeriyootay NISA Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo dhaawacyadana u rajeeyay caafimaad taam ah in Rabbi siiyo.

Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa siweyn ugu mahadceliyay Mas’uuliyiintii iyo Marti Sharfkii kala duwanaa kasoo qeyb galkooda xafladda, isagoo si gaar ah ugu ammaanay dadaalkooda iyo howl karnimadooda guddigii qaban qaabada xafladda, ciidamada kala duwan ee NISA oo Amniga adkeeyay, waxaana xafladdu ku soo dhamaatay Jiwi daggan, guul iyo reynreyn.

W/D: Ismacil Mukhtar Cumar (Orange)

 

 

Previous Post

Somalia Launches Digital Outreach Section To Prevent and Counter Violent Extremism

Next Post

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Degmada Luuq “Dhageyso”

Next Post
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Degmada Luuq “Dhageyso”

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Degmada Luuq "Dhageyso"

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In