Sunday, August 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo abaalmarino guddoonsiiyay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo abaalmarino guddoonsiiyay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, laguna soo gunaanadayay tartan cilmiyeedka bisha Ramadan ee Warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda,  Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta,  Guddoomiyaha Bankiga IBS, Wakiilada Tartameyaasha kaalimaha hore ka galay tartanka, kuwaasi oo kala ah Kismaayo oo sanadkan ku guuleysatay, Yaaqshiid oo kaalinta labaad gashay iyo Warta Nabadda oo sanadkan kaalinta saddexaad gashay iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Sharma’arke Maxamed Warsame oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo waqti hore la bixiyo abaalmarinada sanadkan, waxaana uu intaa ku daray in ujeedka tartanka uu ahaa sidii aqoon loo kala faa’iideysan lahaa, ayna tahay wax lagu farxo in bulsho badan ay kala socdeen baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka.

Related posts

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026

Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Timajilic oo qadka telefoonka kaga qeyb galay xafladda ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u jeediyay dhamaan tartamayaasha ka qeyb galay tartanka, waxaana uu xusay inay tahay wax lagu farxo in aqoon lagu tartamo, Kismaayana ay kaalinta koowaad gasho.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga ee degmada Yaaqshiid Mudane Cabdifataax Axmed Cali ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin kaalinta ay galeen, waxaana uu Hambalyo u diray guuleystayaasha degmada Kismaayo, ayna diyaar u yiihiin inay ka qeybgalaan sanadka soo socda.

Guddoomiyaha tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in IBS banki ay taabagelisay tartanka, isla markaana ay guuleystaha koowaad ay qaadan doonaan 2,000$ halka kaalinta labaad ay galeen 1,000$ waxaana kaalinta 3aad la siinayaa 500$, waxaana uu tartameyaasha u rajeeyey in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Baraare.

Qaar ka mid ah wakiilada guuleystayaasha degmooyinka Kismaayo, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ka qeybgalka tartanka, ayna u mahadcelinayaan intii soo qaban qaabisay, lana horumariyo su’aalaha oo xoogga la saaro dhanka taariikhda dalka.

Guddoomiyaha Bankiga IBS Cabdiraaq Cali Warsame ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin taabagelinta sanadkan ee tartanka, waxaana uu intaa ku daray inay adeegyo casri ah ay bjxiyaan oo qeyb weyn ka qaadaneysa kobcinta dhaqaalaha dalka.

“IBS waxa uu maalgeliyaa dhismaha dalka, dhiiragelinta ganacsatada yar yar, inaan tartankan maalgelino waxa ay qeyb ka tahay adeegyada aan qabano, runtii waxaa aad ii farxad geliyay sida dhallinyarada ay kala faa’iideysteen aqoon iyo isbarasho, waxaana u mahadcelinayaa macalimiinta tartanka ka qeyb galay”ayuu yiri Cabdiraaq.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in tartanka uu soo maray marxalado kala duwan, uuna soo socday  11 sano, ayna qorsheynayaan in la balaariyo tartanka si loo helo degmooyin horleh oo ku soo baxa is reeb reeb.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa sheegay in ujeedka tartanka uu yahay kobcinta aqoonta ayna tahay qorshe la doonayo in bulshada laga dhiso dhanka aqoonta.

“Hambalyo ayaa u dirayaa tartamayaasha Kismaayo, Yaaqshiid iyo Warta Nabadda, waxaan kaloo u mahadcelinayaa Bankiga IBS oo sanadkan gacan nagu siiyay qabsoomidda tartanka”. Ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa Hambalyo u diray dhamaan ka qeyb galayaasha tartanka, gaar ahaan degmooyinka kaalimaha hore galay.

“Waxaan Hambalyo u jeedinayaa Bankiga IBS oo la’aantiis aan tartanka qabsoomi lahayn, faa’iidada weyn ay tahay maalgelin ay ku sameeyeen bulshadooda oo aqoon ku tartameysay, taasi oo dhiiri gelin u ah dhallinyarada tartanka ka qeyb gashay”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

“Waxaan kaloo u mahadcelinayaa howlwadeennada Warbaahinta Qaranka oo 30-kii cisho u taagnaa qabsoomidda tartanka, barnaamijkaan waa barnaamij macno badan ku fadhiyo, waxaan filayaa in tartanka la balaariyo oo Ramadaanka ka hor la qabto, waxaan ka raali gelineynaa cidkasta oo cabasho qabta, waxaan rajeynayaa in sanadkan kiisa kale ku gaarno horumar iyo Nabad”ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Wasiir Cadaala.

Xafladda ayaa ugu dambeyn abaalmarino iyo shahaado Sharaf la guddoonsiiyay guuleystayaasha sanadkan, waxaana kaalinta koowaad gashay tartamayaasha Kismaayo, Yaaqshiid oo kaalitna labaad gashay iyo Warta Nabadda oo kaalinta saddexaad sanadkan gashay.

Previous Post

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo kulan yeeshay “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo joojisay heshiis ay kula jirtay shirkado gaar loo leeyahay

Next Post
Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo joojisay heshiis ay kula jirtay shirkado gaar loo leeyahay

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo joojisay heshiis ay kula jirtay shirkado gaar loo leeyahay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

Dardargelinta howlaha hor-tebinta u leh Baarlamaanka oo laga wada hadlay

August 23, 2026
0

Waxaa soo gaba gaboobay wadahadalo u dhaxeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝟐𝟎𝟐𝟐-𝟐𝟎𝟐𝟔

August 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda...

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta tababar ugu diraysa dalka Masar

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta xaflad sagootin ah loogu sameeyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta, oo tababar...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

August 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In