Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaaย joojisay gabi ahaan ba heshiisyadii ay kula jirtay shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee ku shaqadda leh in shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu diraan.
Wareegto uu soo saaray Wasiir dowlaha Wasaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxa lagu baabiโiyey dhammaan heshiisyadii ay Wasaaraddu horay u la gashay Shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay Shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu dhoofin karaan.
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa ย gaarsiiyay hayโaddaha ay quseyso wareegtadani,isagoo dhinaca kale ka codsaday Heyaโadda Socdaalka iyo jinsiyaddaha in aanay u ogolaan safar dhoof cid kasta oo ay uga shakiyaan in shaqo siin dibadeed darted loo dhoofinayo.














