Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan dhaqanka lagu xoojinayo oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Kulan dhaqanka lagu xoojinayo oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad lagu furayay ololaha nooleynta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyay  wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayadoo munaasabada ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta iyo masuuliyiin kale.

Kooxda Ubaxa (Carruurta heesta) ee degmada Boondheere iyo kooxda fannaaniinta Onkod ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa inta ay socotay munaasabada ku soo bandhigay goobta heeso lagu dhiira galinayay wanaagga hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ayagoo muujiyay qiimaha ay u leedahay Soomaalida dhowrista iyo xoojinta hidaha iyo dhaqanka   soo jireenka ah.

Related posts

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Qaasim Cabdullaahi Xasan oo ka hadlay halkaasi ayaa ugu mahad celiyay mas’uuliyiinta wasaarada warfaafinta dowrka ay  ka qaadaneyso nooleynta hidaha iyo dhaqanka soomaaoiyeed, isagoo dhinaca kale tilmaamay in bulshada deggan Boondheere ay dhaqanka si wanaagsan u ilaalilaan marka laga hadlayo dadka ku nool gobolka Banaadir.

Abwan Maxamuud Cabdullaahi Singub oo ka hadlay munaasabada ayaa ka warbixiyay kaalinta uu dhaqanku ugu jiro bulshada Soomaaliyeed. “Hiddo iyo dhaqan waa kala labo, Hidduhu waa maalinle laakin dhaqanku waa ka duwan yahay” ayuu yiri Abwaan Singub

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo ka hadlay munaasabada ayaa ku booriyay shacabka soomaaliyed inay xoojiyaan nooleynta hiddaha iyo dhaqanka. Wuxuu sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka qeyb qaadanayo xoojinta iyo ilaalinta dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble oo gabagabadii munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkan looga gol leeyahay xoointa iyo ilaalinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in wasaaraddu ay waqti badan ku bixin doonto arrintaan.

“Xukuumadda guud ahaan iyo wasaaraddanba xil ayaa ka saaran ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka ummadda, mashruucaan arrintas ayuu qeyb ka yahay” ayuu yiri Colaad.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa dhowr jeer qabatay munaasabado sidaan oo kale ah. Barnaamijkaan ayaa la gaarsiin doonaa dhammaan gobollada dalka sida ay aqiijiyeen masuuliyiinta wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo dalkxiisa.

Previous Post

BOOSAASO: Kooxo hubeysan oo weeraray fadhiisn ciidan

Next Post

John Kerry: “Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar”

Next Post
John Kerry: “Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar”

John Kerry: "Xeryaha qaxootiga waxaa loogu talo galay inay noqdaan kumeel-gaar"

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga

February 10, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday xarunta IMCTC

February 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta booqday xarunta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubka 5-aad ee Dastuurka

February 10, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir...

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

𝐌𝐢𝐧𝐢𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐬𝐚𝐥𝐚𝐦 𝐀𝐛𝐝𝐢 𝐀𝐥𝐢 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐯𝐞𝐬 𝐢𝐧 𝐀𝐝𝐝𝐢𝐬 𝐀𝐛𝐚𝐛𝐚 𝐟𝐨𝐫 𝐭𝐡𝐞 𝟑𝟗𝐭𝐡 𝐀𝐔 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭

February 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali has arrived in Addis Ababa to participate in the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In