Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan isdhexgal ah oo dhexmaray Booliska iyo Bulshada Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kulan isdhexgal ah oo dhexmaray Booliska iyo Bulshada Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa kulan damaashaad ah magaalada Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah dadweynaha ku nool degmooyin gobolka Banaadir.

Kulanka damaashaadka ah ayaa ka dhacay Beerta-Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa uuna dhexmaray saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya oo muddo sannad ah tababar ugu maqnaa dalka dibeddiisa, kuwaas oo ah dhallinyaro aqoonyahanno ah oo wax ku soo bartay Jaamacadaha iyo dugsiyada dalka iyo dibedda ku yaalla.

Related posts

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026

U jeeddada kulanka damaashaad ah,  waxa uu  ahaa sidii Booliska Soomaaliyeed  ay u dareensiin lahaayeen Bulshadooda in ay iyagu u adeeggaan, isla markaana ay tusaan in ay yihiin saaxiibka koobaad ee Bulshada, dareenka ka muuqday dadka ku sugnaa xarunta beerta-nabadda ayaa ahaa mid farxadeed, iyagoo si weyn ugu qanacsanaa in ay arkaan saraakiil Booliis  Soomaaliyeed ah oo bulshadooda waqti nabadeed la qaadanaya.

“Intii ay wada joogeen ciidanka iyo shacabkooda, damaashaadku waxa uu ahaa in ay is wareystaan, isu muujiyaan niyad sammi iyo walaalnimo, waxa ayna muujinayeen astaamaha meelaha damaashaadka lagu yaqaan ee ah in sawirro lagu galo meelaha quruxda badan ee ay wada joogeen Booliiska iyo Bulshada”.

Qaar ka mid saraakiishii ku sugneyd kulanka Booliiska iyo Bulshada, ayaa sheegay in  lagu soo dhoweeyey dareen nabad iyo farxad wata, maadaama ay dalka dibeddiisa tababar ugu maqnaayeen, diyaarna ay u  yihiin in ay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, waxa ay  ka codsadeen bulshada in ay ku gacan siiyaan shaqada nabad-galyada.

Ugu dambeyntii  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyey bulshadii ku sugneyd xarunta beerta-nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa uu intaa raaciyey in mar walba Boolisku ay u heelan  yihiin in ay fuliyaan wax walba oo ay bulshadoodu jeceshahay, sida nabaddooda iyo horumarkoodu.

IMG_9536 IMG_9539 IMG_9543 IMG_9557 IMG_9558 IMG_9564 IMG_9593   IMG_9606 IMG_9644 IMG_9688 IMG_9692 IMG_9696 IMG_9707 IMG_9712 IMG_9714 IMG_9715 IMG_9724  IMG_9766 IMG_9769 IMG_9771 (1) IMG_9771

 

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamdda Gobolka Banaadir oo shaqada laga joojiyay

Next Post

Kenya oo gubtay hub farabadan oo sharci darro ah (Sawirro)

Next Post
Kenya oo gubtay hub farabadan oo sharci darro ah (Sawirro)

Kenya oo gubtay hub farabadan oo sharci darro ah (Sawirro)

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo afur sharafeed ku maamuusay Safiirka Qatar

March 14, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa casuumaad afur-sharafeed ah ku maamuusay Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In