Sunday, July 3, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

April 23, 2015
in Wararka
0
Kulan Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani lagu qabtay Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu taageeray Ololaha la dagaalanka Qaadka ee uu wado Abuukar Cawaale Qaad-diid, waxaana soo qaban qaabiyay kulankaasi  Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, Dhalinyaro,haween, iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir C/kaafi Maxamuud Makaraan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ololaha la dagaalanka qaadka, islamarkaana ay la shaqeynayaan Abuukar Cawaale oo u istaagay Joojinta Qaadka, waxaana dhinaca kale uu ka sheekeeyay dhibaatada Dadka Soomaaliyeed uu ku hayo qaadka.

Related posts

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022

Guddoomiyaha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir  Qaasim Cabdulle oo isna ka hadlay kulanka ayaa xusay in ay soo dhaweynayaan ololaha la dagaalanka qaadka islamarkaana Degmada Boondheere ay ka hirgalinayaan barnaamijyo lagu wacyi galinayo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Abuular Cawaale Qaad-diid oo mudooyinkanba ku mashquulsanaa la dagaalanka qaadka iyo sida bulshada looga wacyi galin lahaa oo isna hadal ka jeediyay halkaasi ayaa ka sheekeeyay dhibaatada xaga maskaxda ah iyo mida dhaqaale uu ku leeyahay Shaqsiga qaadka cuna, Isagoo sheegay in qaadka uu yahay Gumeysi casri ah oo hantida dadka Soomaaliyeed lagu guranayo, waxaana tusaale uu u soo qaatay wadamada dariska ah in uu ka baxo qaadka haddana aysan cunin dadkooda laakiin ganacsi ahaan ay u keenaan dalka islamarkaana dalkooda ay ku dhistaan malaayiinta Dolar ay Soomaaliya ka faa’idaan.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee maamulka gobolka Banaadir  Iimaan Nuur Iikar ayaa ku guubaabiyay Dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan joojinta Qaadka oo muhiimad gaar ah u leh Qoysaska Soomaaliyeed.

Previous Post

Xildhibaanno Dowladda Soomaaliya Ugu Baaqay In Ay Badbaadiso Soomaalida Dhibka Ku Heysto Koonfur Africa

Next Post

Madaxweynihii hore ee Yemen oo la sheegayo in uu dalka ka baxay

Next Post
Madaxweynihii hore ee Yemen oo la sheegayo in uu dalka ka baxay

Madaxweynihii hore ee Yemen oo la sheegayo in uu dalka ka baxay

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir...

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

Wasiirka Warfaafinta oo shacabka iyo bahda fanka uga tacsiyadeeyay geerida Khadra Daahir

July 2, 2022
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Bahda Faniinta uga tacsiyadeeyay geerida...

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

Fanaannad Qaran Khadra Daahir Cige oo ku geeriyootay Hargeysa

July 2, 2022
0

Allaha u naxariistee Fanaannad Qaran Khadra Daahir CIge ayaa caawa ku geeriyootay magaalada Hargeysa kaddib xanuun maalmahan hayay. Maxamed Xasan...

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo tababarr u soo xirey qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda

July 2, 2022
0

Waxaa maanta Dugsiga Maareynta iyo Maamulka Guud (School of Management and Public Administration) ee Jaamacadda Ummadda si habsami leh ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In