Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Madaxweynihii hore ee Yemen oo la sheegayo in uu dalka ka baxay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 23, 2015
in Wararka Raadiyahaa
0
Madaxweynihii hore ee Yemen oo la sheegayo in uu dalka ka baxay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warar laga helayo ilo kala duwan oo ku dhow dhow dowladaha Yemen iyo Sacuudiga ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax uu isaga baxay dalka Arbacadii.

Waxaa la filayaa in bixitaanka Cali Cabdalla Saalax si rasmi ah loogu dhawaaqo, sida uu qoray bogga  wararka Yemen24.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Cali Cabdalla Saalax waxa uu hadallo hore oo uu jeediyay ku sheegay in uu doonayo in uu safar caafimaad ugu bixi doono dalka Mareykanka.

Saalix waxa uu ka codsaday Yamaniyiinta in ay iska cafiyaan, wixii gaabis ah oo dhankiisa ka dhacay muddadii Soddonka sano ka badneyd ee uu ka talinayay dalka Yemen.

Lama xaqiijin in dowladda Mareykanku dal ku gal siisay Saalax iyo in kale, laakiin waxaa lagu soo warramayaa in uu kulan la qaatay xubnaha qoyskiisa oo dhan, uuna la dardaarmay, taas oo dad badani u qaateen in uu safarkiisu dheeraan doono.

Cali Cabdalla Saalix, waxa uu dalka Yemen ka talinayay 33 sano, waxaana talada dalkaas looga tuuray kacdoon shacab, ka dibna waxaa la siiyay xasaanad ah in aan waxba loo raacan karin, hase yeeshee Saalix, waxa uu isbahaysi la galay kooxda Xuutiyiinta ee shiicada ah, kuwaas oo la wareegay inta badan magaalooyinka dalka Yemen oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Sanca.

Isballaarinta Xuutiyiinta iyo ciidammada daacadda u ah Cali Cabdalla Saalax ayaa keenay in Isbahaysi Sacuudigu hoggaaminayo ay dagaal ku qaadaan Xuutiyiinta, oo duullaan ku soo qaaday magaalada koofurta ku taalla ee Cadan, halkaas oo ay ku khasbeen madaxweynaha la doortay Cabdu Rabu Mansuur Haadi in uu u cararo Sacuudiga.

Previous Post

Kulan Lagu Taageerayay Ololaha La Dagaalanka Qaadka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Next Post

ERDOGAN: Daacish waa Virus khatar ku ah Muslimiinta

Next Post
ERDOGAN: Daacish waa Virus khatar ku ah Muslimiinta

ERDOGAN: Daacish waa Virus khatar ku ah Muslimiinta

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In