Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlaayo Ilaalinta degaanka oo ka qabsoomay Muqdisho “SAWIRRO”

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlaayo Ilaalinta degaanka oo ka qabsoomay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan Wadatashi iyo Aqoon –Isweedaarsi ah oo ay soo agaasintay Xarunta Heerka-Sare ee La-qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalinta Deegganka ee Urur Gobaleedka IGAD. (IGAD-CAEP), ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb-galay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Ururada bulsahda Rayidka, Jaamacadaha iyo khubarada ka shaqeeyo Isbeddalka Cimilada.

Ujeeddada guud ee Aqoon-is-weydaarsigaan ayaa ah ka qaybgelka daneeyayaasha, khubarada farsamada, ka wada-hadlidda istaraatiijiyada la qabsiga Cimilada ee gobolka si waafaqsan heer Gobol ama Caalami ah iyo Siyaasadaha Qaran ee dawladaha xubnaha ka ah IGAD.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Waxaa kale oo wadatashigaan uu iftiiminayaa xeeladaha loogu talagalay in si wax-ku ool ah looga jawaabo khataraha isbeddelka Cimilada, Iyada oo diiradda la saaraayo wada-hadallada waxtarka u naqon doona Cimilada gobolka, si loo xoojiyo Istaraatiijiyadda la qabsiga Cimillada gobolka.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Deegaanka iyo Agaasimaha Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa si wadajir ah u qeexay ahmiyadda ballaaran ee uu leeyahay wadatashiyga nuucaa ah,iyo in dadweynuhu kaallin xooggan ku yeeashaan Istaarajiyadda La-qabsiga Isbeddalka Cimilada heerka Gobal ah.

“Waxaan codadkooda siin doonnaa dadweynaha si ay qeyb uga noqdaan ilaalinta deegaanka heer gobal iyo Calami ah, sidoo kalana ay IGAD ku bogooaadinayaan dadaallada ay waddo ee ah ka hortagga ilaalinta xaalufinta deegaanka.” Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Mudane Axmed Yuusuf Axmed

Dhanka kale, dadaallada ilaalinta ee dalalka ku midoobay IGAD ee kala ah; Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, Koonfurta Suudaan, Suudaan, iyo Uganda,ayaa hadafkooda koowood ee Xaruntu laga taageero u diyaargarowga La-qabsiga dhaqamada maaraynta deegaanka ee waara iyo xalalka la qabsiga ku haboon ee Isbadalka Cimallada gobolka.

“In la ballaariyo ka qeybgalka dadweynaha ee la dagaallanka xaalufinta deegaanka waa muhiim si loo kordhiyo wacyiga dadweynaha ee ilaalinta deegaanka, IGAD ayaa u taagan markastaba ilaalinta deegaanka, annaga waan ku garabtaagannahay”. Ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Beeraha XFS Dr Maxamuud Maxamed Maxamuud

Agaasimaha Xarunta heerka-Sare ee La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo Ilaalinta Deegganka ee Urur gobaleedka IGAD. (IGAD-CAEP) Danjire Gamal Maxamed Xasan ayaa qeexay muhiimada ay leedahay Istaraatijiyadda La-qabsiga Isbadlaka Cimilada iyo mushkiladaha jira.

“Xalka mushkiladaha hadda jira ee ka dhashay isbeddelka cilmilada waa kuwo xal u baahan, sidoo kale waa in ay fahmaan dadkeennu saameynta cimilada, waxaan ku dadaali doonnaa in aan xal u helno mushkiladaha ka dhashay isbeddelka cimilada, annaaga oo garab iyo taageero ka helayna (IGAD-CAEP) oo waqtiga badan ku bixisa xal u helidda isbeddelka Cimilada”. Dr Cabdimajiid Nuunow Cabdi – Agaasimaha X. La-qabsiga Isbadalka Cimilada IGAD.

Urur gobaleedka IGAD oo ay ku midaysanyihiin Siddeed dal ayaa aaminsan in isbeddelka cimilada iyo xaalufinta deegaanka ay ka mid yihiin caqabadaha ugu daran ee gobolka geeska haysto, taa oo ay lagama-maarmaan u tahay in xal waara loo helo.








Previous Post

Upper House of Somalia passes first reading of Auditor General’s bill

Next Post

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo kulan looga hadlayay Amniga kaga qeybgalay Huurshe

Next Post
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo kulan looga hadlayay Amniga kaga qeybgalay Huurshe

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo kulan looga hadlayay Amniga kaga qeybgalay Huurshe

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In