Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo lagu qabtay kulan ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha laamaha amniga Galmudug gaar ahaan ciidamada daraawiishta, booliiska nabad sugidaย ciidanka kumaandooska Danab Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka, degmada iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada.
Kulanka ayaa intii uu socday looga arinsaday wax ka qabashada caqabado dhanka amniga la xariira oo ka jiray deegaanada Gobalka Mudug iyo xaalufinta dhirta taas oo sababta nabaad guurka dhirta iyo deegaanka.