Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay Garsoorka oo Gaalkacyo lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan ballaaran oo looga hadlay hannaanka Caddaaladda iyo garsoorka ee maamulka Galmudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qeyb galay qeybaha bulshada, xubno ka socday maxkamadaha gobolka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda caddaaladda ee Galmudug.

Related posts

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026

Guddoomiyaha maxkamadda degmada Gaalkacyo, Maxamed Macalin Cali ayaa sheegay in maxkamaduhu ay ku shaqeeyaan xaalad adag, isla markaana ay jiraan duruufo badan oo ku xeeran fulinta xukunka ay maxkamaduhu ridaan.

Saraakiisha ammaanka ayuu sheegay inaysan fulin amarrada ka soo baxa maxkamadaha, kuwaas oo wax u dhima in si wanagsan ay u shaqeeyaan hay’adaha garsoorku.

Wasiir ku xigeenka garsoorka Galmudug Maxamud Guure Guuleed ayaa kulankan ka sheegay in Galmudug ay ahmiyad ballaaran siinayso wanaajinta garsoorka, isla markaana dib u habeyn lagu shaqeyn doono.

Wasiirko ka tirsan Galmudug ayaa booqasho ku jooga magaalada Gaalkacyo oo uu horay ugu shaqeyn jiray maamulkii hore, ayagoo u kuurgalaya sidii loo xoojin lahaa hay’adaha shaqeeya ee maamulkaasi.

Previous Post

Kaalinta bulshadu ku yeelan karaan ammaanka oo laga hadlay-SAWIRRO

Next Post

Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo u Dabaal degay todobaadka Dhagoollada “Sawirro”

Next Post
Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo u Dabaal degay todobaadka Dhagoollada “Sawirro”

Ururka Dhagoolayaasha Soomaaliyeed oo u Dabaal degay todobaadka Dhagoollada “Sawirro”

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Mudane Cali...

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Safaaradda...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In