Munaasabadan oo looga hadlayey sidii bulshada Soomaaliyed ee Qurba joogta ah iyo kuwa gudaha dalka ku nool ay ugu wada qeyb qaadan lahaayed horumarka magaalada Muqdisho iyo isdhexgalka bulshada ayaa lagu qabtay xarunta Degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir, iyadoo munaasabadda ay ka mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.
Inta ay munaasada socotay ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumayo isbadalada horumarka leh ee ka jira magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah qurba joogti ka qeyb gashay munaasabadda ayaa tilmaamay in Dalka uu haatan nabad yahay, isla markaana ay qeyb ka qaadan doonan dib u dhiska dalka.
Guddoomiyaha Degmada Cabadicasiis Cismaan Muxiyadiin Cali Cariif oo munaasada ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay midoowan qurbo joogta Soomaaliyed iyo bulshada gudaha dalka ku nool, si ay uga wada qeyb qaataan horumarka caasimadda.
Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Amiin Sheekh Cumar ayaa dhankiisa tilmaamay in Qurba joogta Soomaliyeed ay door la taaban karo ka qaatan taakuleynta dadka danyarta ah ee kunool dalka iyo dib-udhiska dalka.
Horumarka iyo nabada ka jirta Dalka ayaa horseed u noqday in qurbo joog Soomaaliyeed oo fara badan oo muda dalka ka maqnaa ay dib ugu soo laabtan gudaha dalka, iyagoo door muuqda ka qaata mashaariicda horumarineyd ee haatan ka jira magaalada Muqdisho iyo gobalada Dalka.