Mashruuca horumarinta dhaqaalaha dowladda Hoose ee xamar oo socday muda 6 bil ah ayaa lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho iyadoo kulanka lagu soo bandhigayay ay isugu yimaaden gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulka gobalka Banaadir, xubna ka tirsan maamulka dowlada hoose ee Xamar,wakiilo ka kala socda wasaarada ganacsiga iyo warshada ee dowlada Soomaaliya,rugta ganacsiga iyo mas’uuliyiin kale.
Inta uu kulanka socday waxaa ay ka qeybgaliyaasha kulanka waxaa ay falan qeeyen sida loo horumarin karo dhaqalaha dowladda Hoose ee Xamar iyo bulshada Soomaaliyed ee kunool magaalada Muqdisho looga dhaadhicin karo in mashruucan uu yahay mid dhaqaajinaayo horumarka caasimada isla markaana qeybtooda ka qaataan.
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada ee maamulka gobalka Banaadir Iimaan Nuur Iikar oo kulanka ka hadlay ayaa sharxay mashruucan,isagoo sheegay in loo baahan yahay in dhaqaalaha si hufan loo maareeyo.
“Waxaa laga rabaa dowladda Hoose iyo dowladda dhexe iyadoo la wada dhan yahay in la fududeeyo waxan oo qofkii aan la dhibin ganacsi ayuu rabaa in uu sameysto shanta sano ooh ore bilowga ganacsigaaga waa Free (bilaash)” ayuu sheegay Iimaan.
Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee kacaanka isla markaana dalka uu muda labaatan iyo dhowr sano uu burbur ku jiray ayaa waxaa meesha ka baxay dhaqaalaha horumarinta dowladda Hoose ee Xamar, iyadoo haddi mashruucan uu sida loo qorsheeyay loo hirgeliyo waxaa ay waxa badan ka bedeli doontaa dhaqaalaha magaalada caasimadda ah.