Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Su’aallaha la weeydiiyey Wasiirka Maalliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala ahaa Mushaaraadka Ciidammada,shaqaallaha rayidka ee dowladda,lacago la sheegay in seddexdii billood ee lasoo dhaafay aan la ogeyn halka lagu bixiyey,canshuur dhaafka badeecooyinka shakhsiga oo kordhay bilihii lasoo dhaafay,habraaca kharash bixinta dowladda oo mudnaanta siinaya raashiinka Ciidammada, gunnada Ciidammada iyo shaqaallaha rayidka ah ee dowladda iyo amar la sheegay in uu kasoo baxay Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Biya dhaca su’aallaha Xildhibaannada Baarlamaanka waxa ay aheyd jah wareerka dhaqaalle ee uu dalka ku jiro Lixdii billood ee lasoo dhaafay oo ah inta Wasiirku hayo xilka Wasaaradda Maalliyadda.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda Mudane Maxamed Aadan “Fargeeti” uu Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabay su’aallihii ay weydiiyeen ayaa faah faahiyey qaabka loo maareeyey lacag gaareysa $ 49,173,77 oo ah dakhliga dowladda soo galay seddexdii bilood ee lasoo dhaafay,si gaar ah  waxa uu jawaab uga bixiyey daaha bixinta musharaadka shaqaallaha rayidka ah ee dowladda iyo Ciidammada.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo shirka guddoominayey ayaa xeritaankii kulanka sheegay in kulanka soo socda ay Mudaneyaasha Baarlamaanku dood furan ka yeelan doonaan jah wareerka dhaqaalle ee dalka ka jira waxaana uu ka dalbaday guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka iney faah faahinnada ay hayaan la wadaagaan Xildhibaannada.

Sida uu qabo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka hadii Mas’uul la weydiinayo su’aal oraaheed waxa ay socon kartaa 90 daqiiqo oo ah hal saac iyo bar balse Wasiirka Maalliyadda kulanka su’aallaha lagu weeydiinayey waxa uu socday 250 daqiiqo,29 Xildhibaan ayaa su’aallo weydiiyey,wadarta su’aallaha la weeydiiyey Wasiirkana waa 68 su’aal, tallaabadanna waxey muujineysaa sida Baarlamaanku ay muhiimad siinayaan xiligan xaaladda dhaqaalle ee dalka uu ku jiro waloow ay dad badani aaminsan yihiin iney tahay tallaab mar hore loo baahnaa.

Previous Post

Ku simaha RW ayaa ka tacsiyeeyey dilkii saaka loo gaystay Marxuum Anwar Xaaji

Next Post

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda ee gurmadka Gor gor oo afurin u sameeyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda ee gurmadka Gor gor oo afurin u sameeyay qoysas danyar ah “SAWIRRO”

Ciidanka Hay'adda Nabad sugidda ee gurmadka Gor gor oo afurin u sameeyay qoysas danyar ah "SAWIRRO"

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In