Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kullan lagu mataaneynayay Kooxo ka kala dhisan Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Kullan lagu mataaneynayay Kooxo ka kala dhisan Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan lagu mataaneenayey kooxda kubadda Cagta ee LLPP jeenyo iyo Antalia ee dalka Turkiga waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow).

Qaar ka mid ah Cayaartoydii hore ee kooxda LLPP Jeenyo ayaa ku tilmaamay  in kooxda Jeenyo ay ka mid  tahay taariikhda Soomaaliya,  magac weynna ay ku lahayd dalka oo dhan.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026

Xog-hayaha Dowladaha Hoose ee Turkiga Haydarudiin ayaa sheegay in ay bilaabeen kor u qaadidda iyo iska dhaxgalka magaalooyinka Soomaaliya iyo  Turkiga, dhowaanna uu booqan doono magaalooyin kale oo dalka ka  tirsan.

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Saadaq Sh. Cabdullaahi Siraaji ayaa  ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga doorkeeda horumarinneed ee dib u dhiska dalka iyo soo nooleynta adeegyada dadweynaha.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoow) ayaa sheegay in si ramsi ah loo dhaqangeliyey iskaashiga dowladda Hoose ee Muqdisho iyo dowlaha hoose ee Turkiga.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa boggaadiyey dedaalka dowladda Turkiga ee ku aaddan dib u dhiska Soomaaliya, isla markaana laga wada shaqeyn doono sidii looga dhabbeyn lahaa heshiisyada iyo ballan-qaadyada u dhaxeeya labada dal.

Gabogabada kulanka ayaa Qalab Isboortis la guddoonsiiyey kooxda LLPP Jeenyo, si loogu horumariyo tartamada  ay ka ka qeyb-galeyso, maadaama ay ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee horyaalka kubadda Cagta Soomaaliya.

Previous Post

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda oo Garbahaareey ka furay mashaariic horumarineed+Sawirro

Next Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha G/Banaadir oo booqday dhaawacyada Qaraxyadii Muqdisho+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha G/Banaadir oo booqday dhaawacyada Qaraxyadii Muqdisho+Sawirro

R/wasaare ku-xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha G/Banaadir oo booqday dhaawacyada Qaraxyadii Muqdisho+Sawirro

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo howlgal qorsheysan ku dilay Horjooge ka tirsan Khawaarijta

March 2, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo 125 Booyadood oo Biyo ah Ku Wareejiyay Guddiga Gurmad Abaaraha Degmada Wisil

March 2, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Galmudug, ayaa maalintii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In