Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarumaha Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarumaha Golaha Shacabka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaa Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kormeerkiisa koowaad waxa uu ku tegay Xarunta golaha Shacabka oo ah halka lagu qabto kulamada guud ee golaha Shacabka, halkaasoo hadda uu ka socdo howlo dib u dayactir ah oo bilicda dhismaha lagu soo celinayo.

Kusimaha Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehliyay habdhowraha golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, waxaana uu kormeer ku sameeyay dhamaan qeybaha ay xaruntu ka koobantahay.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka waxa uu Injineerada xarunta dhiseysa uu ka dhageystay warbixin ku saaabsan halka howsha dib u dayactirka ah ay mareyso.

Sidoo kale Kusimaha Guddoomiyaha golaha Shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaa Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kormeerkiisa labaad ku sameeyay dhisme cusub oo laga dhisayo xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, taas oo lagu qaban doono kulamada guud ee golaha inta uu socdo dhismaha guud ee xarunta weyn ee golaha shacabka oo dhisamaheeda uu si rasmi ah u bilaaban doono dabayaaqada sanadkan.

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha waxa ay Injineerada dhismaha wada la wadaageen nashqadda dhismaha iyo qeybaha uu ka koobnaan doono oo ay ka mid tahay sidii marka dhismaha uu dhamaado bilaha soo aadan loo heli lahaa meel Warbaahinta ay ka tabin karto wararka golaha shacabka oo dhismaha gudaheeda ah.

Ugu dambeyn Ku-simaha guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa kormeeray xafiisyo cusub oo laga hir gelinayo gudaha xarunta Villa Hargeysa, kuwaas oo loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan guddiyada golaha shacabka.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ah Kusimaha guddoomiyaha golaha Shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha oo kormeerka ka dib isla goobta kula Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka kormeerka uu yahay sidii ay u ogaan lahaayeen sida uu u socda dhismaha, isagoo intaa ku daray inay uu kulamo la qaatay shaqaalaha iyo ciidamada oo uu  ka dhageystay xaaladda ay ku suganyihiin, isla markaana uu kala hadlay helida xuquuqaadkooda.

Kormeerkan Kusimaha Guddoomiyaha golaha Shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha uu maanta ku tagay dhismooyinkan xarumaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu qeyb ka yahay dar dar gelinta howlaha Golaha uu u hayo shacabka.

 

 

Previous Post

Ilhan Omar oo noqotay Musharaxa kaliya ee Xisbiga dimuqraadigu taageeray

Next Post

Soomaaliya oo si dhammeystiran u maamuleysa Hawadeeda “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo si dhammeystiran u maamuleysa Hawadeeda "SAWIRRO"

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In