Xubno ka tirsan guddiyada haweenka labada aqal ee Baarlamaanka JFS oo ay hoggaaminayeen guddoomiye ku xigeenka guddiga haweeenka Golaha Shacabka Xildhibaan Jawaahir Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha guddiga haweenka Aqalka Sare Sanatar Sareedo Maxamed Jayte. ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh.
Kutlada haweenka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirka la wadaagay talooyinka iyo aragtiyo ku saabsan sidii sharciyada doorashooyinka, xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka loogu caddayn lahaa qoondada haweenku ku yeelanayaan ka qaybgalka siyaasadda iyo sidii xeerarkaas loogu qeexi lahaa.