Lataliyihii mudada dheer ee madaxweynihii hore maraykanka Donald Trump, Mr Stephen Bannon ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu diiday amar maxkamadeed oo ay sameeyeen guddiga gaarka ah ee Congress-ka ee baaraya weerarkii dhimashada dhaliyay ee Β ka dhacay 6-dii bishii Janaayo Capitol-ka Mareykanka.
Bannon ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo ku sabsan gabood fal iyo quursi, waaxda cadaaladda ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in Stephen Bannon Β uu diiday inuu soo saaro dukumentiyadii la weeydiiyay.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Washington Merrick Garland ayaa yiri: βTan iyo maalintii ugu horeysay ee aan xafiiska qabto, waxaan u balan qaaday shaqaalaha waaxda cadaaladda in si wadajir ah aan u tusi doono shacabka Mareykanka Af iyo Adinba in waaxdu u hogaansanto sharciga, oo ay raacdo xaqiiqda, si cadaaladda loogu sinaadoβ.
Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ee Washington oo ka helay dacwadda xeer-beegtida ayaa tallaabadan ku sheegay in ay tahay mid sharciga muhiim u ah.
Waaxdda Cadaaladda Mareykanka ayaa Β ku dhaqaaqday intii uu xilka hayay Madaxweyne Joe Biden, dhowr talaabbo oo baaritaanno balaaran lagula sameynaayo dad horay dalka Mareykanka Xilal ugu soo qabtay.












