Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Labada gole ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo kulan looga hadlayey dardargalinta Dastuurka ku yeeshay Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Labada gole ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo kulan looga hadlayey dardargalinta Dastuurka ku yeeshay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ayaa waxaa  looga hadlay sidii loo  dar darin lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa dastuurka, Waxaana ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xiggeenka  1aad golaha aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed, Ku simaha Ra’iisul  wasaaraha ahna R/wasaare  ku xiggeenka Xukuumada soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh jibriil.

Kulankan  ayaa ugu horayn waxaa wada yeeshay  Guddoonada labada golle Baarlamaanka, Ku simaha Ra,iisal wasaaraha iyo wasiirka dastuurka, ka dib iyagoo wada socda Madaxda waxay gaareen Xafiiska ay ku shaqeeyaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas ayay warbixino isku dhaafsadeen labada guddi, Wasaarada dastuurka  iyo madaxda.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Kulamada markay soo gaba gaboobeen ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadlay  Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi  waxa uuna sheegay in Kulanka uu ahaa sidii loo dar dar galin lahaa dib u eegista dastuurka  oo ay Wadajir uga shaqayn Lahaayeen guddiyada u xil saaran iyo Wasaaradda Dastuurka.

Guddoomiye cabdi  xaashi cabdulaahi oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in labada gudi iyo wasaarada dastuurka looga baahanyahay sidii qodob Qodob ay ugu  eegi lahaayeen dastuurka si ay qorshe wada shaqayn u samaystaan.

24 kii Bishan ayay ahayd markii Guddoonada labada Golle Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kusimaha Ra’iisul wasaaraha , labada guddi ee Dastuurka iyo Wasaarada dastuurka ee Xukuumada ay kulan looga hadlayay dar dar galinta dastuurka ay la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulankaasi oo  ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdi la socda oo Garoowe gaaray “Sawirro”

Next Post

Puntland oo ugu baaqday ganacsatada hubka heysta in ay Hubkooda Sharciyeeyaan.

Next Post
Dhageysiga Khudbadaha Xubanaha Aqalka Sare ee Puntland oo maanta bilaawday

Puntland oo ugu baaqday ganacsatada hubka heysta in ay Hubkooda Sharciyeeyaan.

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In