Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Lacago Shaqo Abuur ah oo La Siiyay Dhalinyarada Shaqo La’aanta ah ee Xaafada Islii “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Lacago Shaqo Abuur ah oo La Siiyay Dhalinyarada Shaqo La’aanta ah ee Xaafada Islii “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibanka laga soo doorto Degmada Kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa ka qeyb galay munaasabad ururada dhalinyarada ee dalkani Kenya lagu gudoonsiinayay lacago loogu talo galay in shaqo abuur loogu sameeyo Dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

Munasabadani oo ahayd mid ururada dhalinyarada ee degmada Kamukunji lagu gudoonsiinayay lacago loogu talo galay in shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Ukuwezo fund oo ah hay’ad ka shaqeysa sidii ay isku filnaansho u gaari lahaayeen dhalinyarada ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi,mas’uuliyiinta hay’adda,ururada dhalinyarada iyo kuwa haweenka ee degmada Kamukunji.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Mashruucan shaqo abuurka loogu sameynayo dhalinyarada ayaa waxaa ka fa’ ideystay 97- ka mid ah urarada dhalinyarada kuwaa oo la gudoonsiiyay lacag gareysa 7.5 milyan oo ah lacagta dalkani Kenya, iyadoo lacagahaasi loogu talo galay in marka ay kusoo shaqeystaan ay dib u soo celiyaan.

Markii ay soo gabagabowday munaasabadda ayaa xildhiban Yuusuf Xasan Cabdi waxa uu ka warbixiyay muhimada uu mashruucan shaqo abuurka u leeyahay urarada dhalinyarada, isagoona ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaaan shaqo abuurka loo sameynayo dhalinyarada degmada Kamukunji.

“barnaamijkan waaxa uu qeyb ka yahay sanduuq loogu talo galay horumarinta dhalinyarada degmada Kamukunji,anagu waxan nahay degmadii ugu horeysay oo laga fuliyo qeybtii ugu horeysay ee 47-ururro dhalinyaro ah ayaa ka faa’ideystay 7 milyan ayaana ku bixinay maantana waa qeybtii 2-aad 97 urur ayaa ka faa’ideystay,waxana bixinay 7,700,000 K,Shilin”Ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xasan Caddi.

“Waa mashruuc ay dowlada ugu talo gashay in ay ganacsi ku sameystaan ayna isku horumariyaan,waana mashruuc aad wax uga badali doono dhalinyarada shaqo la’aanta ah ee degmada Kamukunji” Ayuu sii raaciyay Xildhibaanka.

Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ku booriyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka faa ideystaan sanduuqan lagu horumarinayo dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

Mashruucani shaqo abuurka loogu samaynayo dhalinyarada ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaalada ay dowlada Kenya ku horumarinayso dhalinyarada si looga hortago in ay ka mid noqdaan kooxaha argagixisada ah.

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5) 1 (6) 1 (7) 1 (8) 1 (9) 1 (10) 1 (11) 1 (12) 1 (13) 1 (14) 1 (15)

Sawir qaade:-C/qaadir Cali Xuseen(Koronto)

Previous Post

Maxamed Xaashi Carabeey Oo Ku Dhawaaqay In Uu U Taagan Yahay Xilka Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug “SAWIRRO”

Next Post

Musharax Mideeye oo kulamo la leh Xildhibaannada cusub

Next Post
Musharax Mideeye oo kulamo la leh Xildhibaannada cusub

Musharax Mideeye oo kulamo la leh Xildhibaannada cusub

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In