Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Ma Dhabbaa in la Cayrin doono Macalin Charles ka Xulka Qaranka Soomaaliya?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Ma Dhabbaa in la Cayrin doono Macalin Charles ka Xulka Qaranka Soomaaliya?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Soomaaliya waxaa ay ciyaartay kulankii sadexaad ee koobka Bariga Bartamaha Qarada Afrika waxaana fooda ay is dareen Xulka Qaranka Rwanda oo hore u soo qaraajiyay Ethiopia oo soomaaliya ka soo adkaatay.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badneyd ayaa waxaa ay ka dhacday Magalada Hawasa iyo sila gagada Hawasa,qaybtii hore ayaa lagu Kala nastay 1-0 oo ay ku hor kacayso Rwanda.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Qaybtii danbe markii la isku soo laabtay ayaa waxaa Rwanda ay dhalisay Laba gool oo deg deg ahaa ayadoo Soomaaliya ay ka muuqatay tabar daro aad u liidata waxaana kulankaani uu noqonayaa kii sadexaad oo isku xiga oo laga adkaata tartanka Koobka Bariga iyo Bartamaha Qarada Afrika. Soomaaliya waxaa horey guul darooyin ay Kala soo kulantay dalalka Tanzania oo afar gool ugu soo adkaatay Ethiopia oo laba gool ugu soo adkaatay iyo kulankaani Rwanda oo iyana uga soo adkaatay sadex gool.

Hadaba waxaa sii kordhaya guuldarooyinka soo gaaraya Xulka Qaranka Kubada Cagta Soomaaliya waxaana guul daradaasi soo gaartay ay noqoneysaa guul daradii kow iyo labaatanaad ee soo gaarta soomaaliya laba iyo labatankii kulan ee ugu danbeeyay oo ay ciyaartay.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa mar kale ku guul dareysatay in wax gool ah ay dhaliso waxaana uu noqonaya kulankani kii 13 oo ay ku guul dareysato in wax gool ah ay dhaliso ayadoo 5 kulan ee ugu danbeysay laga dhaliyay 15 gool.

Dhanka kale wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayan in Xirirka Kubada Cagta Soomaaliya uu qorsheynayo in uu ceyriyo Macalinka Xulka Qaranka Soomaaliya Macalin Charles kadib markii uu Macalinka uu ku fashilmay in uu adkaado Hal kulan oo quraa tan iyo markii loo magacabay Macalinka Xulka Qaranka Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Safiirka Soomaaliya ee dalka Indonesia oo la kulmay Madaxweynaha dalkaasi “SAWIRRO”

Next Post
Safiirka Soomaaliya ee dalka Indonesia oo la kulmay Madaxweynaha dalkaasi “SAWIRRO”

Safiirka Soomaaliya ee dalka Indonesia oo la kulmay Madaxweynaha dalkaasi "SAWIRRO"

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In