Friday, December 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya oo la soo dhaweeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dr Maxamuud Mashruuc Wasiiru-dowlohii hore Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Bogaadin iyo Hambalyo u Diray Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku bahoobay Dawlad Goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Waa tallaabo taariikhi ah oo ka tarjumaysa doonista shacabka deegaankaas, kuwaas oo muddo dheer la daalaa dhacayay xaalado adag oo ay ka mid yihiin horumar la’aan, matalaad la’aan siyaasadeed iyo muran dhuleed-siyaasadaysan oo muddo haystay”. Ayuu yiri Dr Maxamuud.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Dr Maxamuud ayaa hadalkiisa intaa ku daray “Dawlad gooboleedka cusub ee Waqooyi Bari waxa ay fursad u tahay dhismaha nidaam dawladnimo oo ku saleysan caddaalad, hufnaan iyo matalaad loo siman yahay. Waxa kale oo ay muhiim u tahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

“Waxaan adkaynaynaa in la soo dhoweeyo dhismaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, lana xurmeeyo rabitaanka iyo aayo-ka-tashiga shacabka deegaannadaas, waxaanna uu dowlad goboleedka Puntland usoo jeediyay inay garab istaagaan Walaalaha Maamulka dhistay, lagana wada shaqeeyo arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo iskaashiga arrimaha bulshada”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Dr Maxamuud

 

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirada

Next Post

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Next Post
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulan bile ah

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In