Dib uu so celinta bilicda naadafadda waddada isku xirta Tarabuunka iyo isbitaalka Masarida ee Degmada Hodan ayaa ah mid ay si wada jir ah isaga kaashaneyeen bulshada, shirkadda Kheyr-Qabe iyo Maamulka Degmada Hodan, kuwaaso iska kaashadaay sidi loo soo celin lahaa bilicda Degmada lahaan jirtay.
Maxamed Cali Dheer Guddoomiyaha Shirkadda Kheyre-Qabe ee ka shaqeysa naadafadda iyo ka qeyb qaadaashada dib uu so celinta bilicda oo goobta ka hadlay ayaa shegaay iney mar walibo diyaar uu yahiin sidi looga wada qeyb qaadan lahaa dib u soo celinta bilicda degmada.
Guddomiyaha Degmadda Hodan ee Gobalka Benaadir Mudane Maxamed Axmed Cantoobo oo isna ka hadlay goobta ay ka socotaay Naadaafada ayaa ugu baaqay bulshada degan Degmada Hodan iney ka qeyb qaataan kana shaqeyaan dib uu soo celinta bilicdii ay degmadu lahayd, ayna xoojiyaan ka shaqeynta Nadaafadda.
Maamuulka Degmadda Hodan ayaa inta badan ku howlan sidii looga qeyb qadaan lahaa Nadaafadda Degmada, isla markaana bulshada ay noqdaan kuwa isku tashado.
Sawir Qaade:- Maxamed Cabdulllaahi Maxamed (Feereysane)