Sunday, May 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka degmada Mahadaay oo ka hadlay Xaaladda Amniga iyo Biyaha uu keenay Wabiga Shabeelle

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maamulka degmada Mahadaay oo ka hadlay Xaaladda Amniga iyo Biyaha uu keenay Wabiga Shabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Saalax Fuloow Xaaji oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay Xaaladda Amniga degmada Mahadaay iyo Biyaha uu keenay Wabiga Shabeelle oo mara qaar ka mid ah deegaanada Gobolka Shabeellaha dhexe.

Mudane Saalax Fuloow Xaaji,Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Mahadaay ayaa sheegay in xaaladda Amni ee degmada Mahadaay ay wacan tahay lana mid tahay degmooyinka kale ee Hirshabeelle,isagoona dhanka kale ka hadlay Biyaha uu keenay Wabiga Shabeelle oo ku dhawaad labo billood gursanaa ama Biyo la’aan ay ka jirtay.

Related posts

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026

Wuxuu tilmaamay in cabsida ugu badan hadda ay ka jirto fatahaad laga yaabo inuu deegaanada qaar ka sameeyo Wabiga Shabeelle  oo biyo badan keenay.

Guddoomiye Saalax Fuloow Xaaji ayaa ku taliyay in la helo Keydadka Biyaha ee Gobolka Shabeellaha dhexe si looga baaqsado Biyo la’aan xilliyada Wabiga uu guro laguna dhimo marka Wabiga uu biyo badan keeno.

Sidoo kale,Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Shacabka degmada Mahadaay ay ku mashquulsan yihiin tacbashada Beeraha,Waxbarashada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah noloshooda,wuxuuna cadeeyay in waxa keliya ay u baahan yihiin ay tahay in laga kaalmeeyo dhanka helida mashaaariicda kala duwan ee dhanka horumarinta.

Kumanaan qoys oo noloshoodu ay ku xirneyd Biyaha Wabiga ayaa ku farxay inay arkaan biyaha wabiga,waxaana arootii hore ee maalintii Axada ahayd u daawasho tagay Wabiga Jowhar dad aad u fara badan oo u hamuun qabay dib u soo noqashada Biyaha Wabiga.

Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa wada dadaalo dib loogu dayactirayo biyo xireenka Sabuun si looga hortago fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Previous Post

Madaxweyne Vladimir Putin oo ku guuleystay doorshadii madaxtinimo ee Ruushka

Next Post

17 Qof oo ku dhimatay Duufaanno ka dhacay Dalka Madagascar

Next Post
17 Qof oo ku dhimatay Duufaanno ka dhacay Dalka Madagascar

17 Qof oo ku dhimatay Duufaanno ka dhacay Dalka Madagascar

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka...

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

Horjoogayaal lagu dilay hawlgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In