Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Galkacyo oo shahaadooyin guddoonsiiyay Haween la baray xirfado ay ku shaqeeystaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Maamulka Galkacyo oo shahaadooyin guddoonsiiyay Haween la baray xirfado ay ku shaqeeystaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkaan oo ahaa mid lagu barayay 110 haween ah oo ka mid ah qoysaska barakacayaashaa ee ku nool qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee deegaanka Xaarxaar xirfado ay ku shaqeystaan kuwaas oo kala ah karinta Dharka iyo Cilaansaarka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo.

Tababarkan oo ay taabagalintiisa gacan ka geysteen Hay’adda SSWC iyo Maamulka Dagmada Galkacyo ee Galmudug ayaa waxaa ugu horeyn munaasabadda shahaadooyinka lagu guddoonsiinayay ka hadlay Fowsiyo Axmed Kaarshe oo aheyd macalimadii Tababarka bixineeysay, waxa ayna sheegtay in muddo sadax bilood ah lagu baray Xirfado ay ku shaqeeysan karaan islamarkaana ay ku maareeyn karaan Nolasha qoysaskooda.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026

Marwo Fowsiya ayaa xustay in Hay’adda SSWC Iyo Maamulka dagmada Gaalkacyo ee Galmudug ay suurta galiyeen in xirfadaha Cilaansaarka iyo Naqshadeeynta Dharka La baro haweenka.

Axmed Cismaan Daahir (Haruuse) Madaxa Qeybta Barakacayaasha Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo isna la dardaarmay Xubnaha Tababarka la siiyay ayaa aheegay in xirfadaha ay barteen ay kaga maarmi doonaan shaqooyin badan oo ay horay ugu maareeyn jireen nolashooda iyo ku tashiga deeqaha Samafalka iyo gargaarka oo aan dabooli karin baahidooda

Qaar ka mid ah xubnihii Tababarka Ka faa”iideystay oo Warbaahinta Qaranku ay wax ka weydiisay Sida ay u arkaan Xirfadaha ay barteen ayaa iyagu sheegay in ay maanta ku faraxsan yihiin in ay bartaan Xirfado ay ku shaqeeysan karaan ayna uga maarmi karaan gacmo hoorsi waxa ayna uga .mahad celiyeen Dowladda Hoose ee dagmada Galkacyo iyo Hay’adda SSWC garab istaaga ay ka heleen

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasime Marwo Dr Hanan Balkhy

Next Post

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Berlin

Next Post
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Berlin

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Berlin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In