Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyey mideynta howlgallada ammaanka Caasimadda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyey mideynta howlgallada ammaanka Caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka todobaadlaha ah ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay qorshe howleedka Gobolka ee uu kaga qeyb qaadanayo barnaamijka Is-xilqaan oo dhawaan uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo uu guddoomiyey Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa lagu go’aamiyey in maalinta barri ah laga fuliyo degmooyinka Wardhiigleey, Hodan iyo Howlwadaag qeyb ka mid ah olalaha isxilqaan, iyadoona shacabka iyo maamulkuba ay iska kaashan doonaan bilicda iyo nadaafadda degmooyinkas.

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Sidoo kale, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyey mideynta howgallada ammaanka caasimadda iyo in masuuliyaddaas lagu wareejiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoona Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ay soo bandhigeen sida ay uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka iyo dardar gelinta doorka shacabku ay ku leeyihiin.

Duqa Caasimadda Mudan Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga warbixiyey masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee uu kaga qeyb galay Brussels, isagoona faah-faahiyey qaar ka mid ah qorsheyaasha ay ku soo bandhigeen shikaas ee la xiriira horumarinta iyo baahiyaha bulshada Gobolka Banaadir.

“Beesha caalamku waxa ay aad u soo dhaweeyeen guulaha dhanka dawladnimada ee dalku gaaray, waxaana la isku raacay in si xoog leh loo taageero Soomaaliya, arrinkan oo fursad maalgashi ay ka heli doonaan bulshada Caasimadda, isla markaana deeqaha lagu saleyn doonno baahiyaha jira.”

Kulankan waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo, Agaasimeyaasha guud ee Gobolka iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo Shir guddoomiyey kulanka Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka

Next Post

Guddoomiye Eng. Yarisow oo Ganacsatada Gowraca Xoolaha kala hadlay Nadaafadda deegaanka iyo Fayodhowrka “Sawirro”

Next Post
Guddoomiye Eng. Yarisow oo Ganacsatada Gowraca Xoolaha kala hadlay Nadaafadda deegaanka iyo Fayodhowrka “Sawirro”

Guddoomiye Eng. Yarisow oo Ganacsatada Gowraca Xoolaha kala hadlay Nadaafadda deegaanka iyo Fayodhowrka “Sawirro”

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In