Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Eng. Yarisow oo Ganacsatada Gowraca Xoolaha kala hadlay Nadaafadda deegaanka iyo Fayodhowrka “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Eng. Yarisow oo Ganacsatada Gowraca Xoolaha kala hadlay Nadaafadda deegaanka iyo Fayodhowrka “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan looga tashanayay sidii xal-waara loogu heli lahaa nadaafad xumida ka dhalata gowraca Xoolaha Caasimadda, waxuu la qaatay qaar kamid ah Ganacsatada gowraca Xoolaha.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa sheegay in kulankani uu yahay mid lagu kala war-qaadanayo si xal loogu helo nadaafad xumida ka dhalata gowraca xoolaha nool, isagoo Guddoomiyuhu xusay in maamulkiisa ay qorshaha dhow ugu jirto sameynta Kawaanno casri ah oo lagu hubinayo caafimaadka neefka, nadaafadiisa iyo fayodhawrka deegaanka, iyadoo loo marayo nidaam casri ah.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in qeybo badan oo kamid ah dhaqaalaha Soomaalidu uu ku tiirsan yahay xoolaha oo kamid ah nimcooyinka ALLAH dalkeenna ku maneystay loona baahan yahay in laga faa’iideysto, isla markaana loo iib-geeyo dalalka Caalamka si dhaqaalaha ka soo xaroodo u noqdo mid wax ka badala nolosha bulshadeena.

Kulanka madaxda Dawladda Hoose iyo Ganacsatada Gowraca Xoolaha ayaa lagu dhegaystay cabashooyinkii ay qabeen, iyadoo la isku raacay in si dhow loo wada shaqeeyo, si loo ilaaliyo danaha guud, gaar ahaan arrimaha fayodhowrka Caasimadda oo maalmahaan uu Maamulka Gobolka Banaadir wado qorshe dib loogu nidaaminayo bilicda Caasimadda.

Qaar kamid ah Ganacsatada ka shaqeysta Kawaannada Xoolaha lagu qalo ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa, waxayna balan-qaadeen in si dhow ay ugala shaqeynayaan maamulka Fayodhowrka Xoolaha iyo Nadaafaddooda.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Agaasimaha Waaxda Caafimaad iyo masuuliyiin ka tirsan M/mulka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo dhaweeyey mideynta howlgallada ammaanka Caasimadda

Next Post

“Daawo Sawiro” Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka JFS oo ka qeyb galay Munaasbad lagu furayay Isbitaalka laga hirgaliyay Degmada Sadex higlo ee Gobalka Mudug

Next Post
“Daawo Sawiro” Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka JFS oo ka qeyb galay Munaasbad lagu furayay Isbitaalka laga hirgaliyay Degmada Sadex higlo ee Gobalka Mudug

"Daawo Sawiro" Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka JFS oo ka qeyb galay Munaasbad lagu furayay Isbitaalka laga hirgaliyay Degmada Sadex higlo ee Gobalka Mudug

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In