Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo kormeeray keli waraab dib loo dayactirayo+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 24, 2016
in Wararka
0
Maamulka gobolka Sh/dhexe oo kormeeray keli waraab dib loo dayactirayo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Naamulka gobolka Sh/dhexe ayaa wada dib u dayactir lagu sameeynayo qaar ka mid ah keliyada waraabka ee degmada Jowhar.

Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi “Guudlaawe” oo uu wehliyo gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa kormeeray Keliga Faanoole oo hadda dayactir ay ku wadaan maamulka iyo bulshada oo is kaashanaya.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Mudane Guudlaawe ayaa ka dalbaday wasaaradda Beeraha iney garab istaagto beeraleyda isagoo tilmaamay in maamulka iyo bulshada gobolku ay iska kaashanayaan ka hortagga fatahaadda wabiga Shabeelle.

Gudoomiye Guudlaawe ayaa intii uu kormeerka waday waxaa uu la kulmay dadweynaha ku nool xaafadda horseed ee degmada Jowhar isago kula dardaarmay iney gacan buuxda ka geeystaan dib u dayactirka Keligaasi.

C/qaadir Cabdulle Buurfuule gudoomiyaha degmada Jowhar ayaa ku boorriyay bulshada ku nool degmadaasi iney maamulka kala shaqeeyaan sare u qaadidda nadaafada magaalada Jowhar.

Wuxuu intaasi ku daray in maamulku uu diyaar garoow ugu jiro sidii looga hortagi lahaa fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeelle.

dayactirka-1-1 dayactirka-2-1 dayactirka-3-1 dayactirka-4-1 dayactirka-5-1 dayactirka-6 dayactirka-9

Previous Post

Saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tababar loogu diray Talyaaniga “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In