Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Shirwanaha sanadlaha Isboortiga Goboolka Banaadir, kaas oo looga hadlay Howlaha Isboortiga u qabsoomay sanadkii tagay , Dhameystirka howlaha bilaha sandkaan ka dhimman, Qorsho howleedka 2022.
Waxaana shirkan kasoo qeyb galay Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed , Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir oo ugu horreeyo Guddoomiye Mudane Xasan Yabarow Wiish iyo Guddoomiyayaasha Isboortiga degmooyinka Gobolka Banaadir .
Guddoomiye Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa degmooyinka uga warbixiyay howlahii Isboortiga u qabsoomay iyo qorshaha dhammeystirka Sanadkan oo ay qeyb ka yahay Ciyaaraha Kubadda Gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2021 oo bishan September gudaheeda laqaban doono
Xoghayaha Guud ee Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdow Xaaji oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay howsha culus oo ay Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir hayan iyo guulaha uu Isboortiga iyo doorka Horumarineed ee uu Gobolka Banaadir ku leeyahay Isboortiga dalka .
Waxuuna ballan qaaday in guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ay diyaar ula yihiin horumarinta Aqoonta howladeenada Isboortiga iyo tababarada guud ee Isboortiga la xiriira oo qeybo kale duwan leh.
Xoghayaha Gobolka Banaadir Mudane Xiirey Axmed Rooble aya dhankiisa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay markasto diyaar u yihiin horumarinta dhallinayarda Gobolka Banaadir, si gaar ah Isboortiga oo laf dhabar u ah dhallinyarada, waxuuna guddoomiyaasha isboortiga ku bogaadiyay in ay howlahooda laba jibaaraan , Mamaulka Gobolkana uu diyar ula yahay garab-istaag.