Maamulka Jaamacadda Capitalย iyo Agaasinka waaxda caafimaadka gobolka Banaadir ayaa si wadajira ah usoo xiray tababar ku saabsan ka hortaga Cudurka Coronovirus kaas oo Jaamacaddu u qabatay qaar ka mid ah ardayda kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo kulliyadda Daawada iyo qalliinka guud.
Ardayda tababarka loosoo xiray ayaa dadaallada looga hortagayo Faafitaanka Cudurka COVID 19 kala qayb qaadan doona waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir, Wasaarada Caafimaadka iyo Hey’adaha kale ee ku howlan shaqadaan.
Guddoomiyaha Jaamacadda Capital Dr. Axmed Gacal Carabow ayaa sheegay in ardayda jaamacadu ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ka wacyigelinta bulshada cudurka Covid-19,wuxuuna waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir ku wareejiyay ardayda dhameysatay tababarka.
Agaasimaha waaxda Caafimaadka Gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Caddow ayaa ku boggaadiyay Jaamacadda Capital sida wanaagsan ee ay diyaar ugu tahay ka qeyb qaadashada wacyigelinta bulshada iyo sidii looga hortegi lahaa xanuunka karoono feyras.