Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Jaamacadda City oo ardayda Jaamacadda u qabatay xaflad qalin jebin ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Jaamacadda City oo ardayda Jaamacadda u qabatay xaflad qalin jebin ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan ay ku qalin badalanayeen qaar ka mid ah arday dhameysatay luuqada English ka iyo barnamijka   aas aasiga u ah Jaamacadda City {foundation program} ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah gudoomiyasha degmooyinka gobolka benadir, bahda waxbarashada, Madax ka socotay Jaamacadaha qaar, waalidiin iyo ardayda Jaamacadda, xafladaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda City ee Yusuf Al-kawnayn ee magalada Muqdisho.

Qaarka mid ah dadkii ka hadlay xafladda  ayaa soo dhaweeyey hanaanka tayaynta tacliinta sarre ee Jaamacadda City, iyagoo ardayda ugu baaqay inay heystaan fursad dahabi ah oo aysan helin ardayda asaagooda ah ee wax kabarato gudaha dalka soomaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Prof Yaasin Barkhadle, Guddoomiye kuxigenka dhanka wax barashada ee Jamacadda City oo furay munasabada ayaa sheegay in Jaamacadda City ay haldoor u tahay wax barashada Soomaliya, asagoo balan qaaday in Jaamacada City looga maarmi doono in wax barasho dibada loo aado.

Daa’uud Yuusuf Maxamed Madaxa Barnaamijka aas aasiga waxbarashada ee Jaamacadda City ayaa sheegay in ujeedka ay u qaateen barnaamijkan uu yahay sidii ardayda looga dhisi lahaa dhanka luuqadda Englishka iyo xisabta , isla markaana ay sal u yihiin sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Drs Sacdiyo Maxamuud Maxamed oo ku hadlaysay magaca waalidiinta xafladda ka qeyb galay ayaa bogaadisay maamulka iyo ardayda Jaamacadda City, iyadoo xustay inay jamacadda city ay qaadatay tillaabo geesinimo leh waxtarna uah ardayda nasiibka uyeelatay inay kafaidaystaan barnamijkan.

Guddoomiyaha Jaamacadda City Prof Cabdullaahi Axmed Bariise oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in barnaamijkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshadeena, sababta ay u qaateenna ay tahay sidii ardayda looga dhisi lahaa dhanka luuqadda, maadaama ay maadooyinka ku qaadanaayan luuqadda English ka.

Gabo gabadii xafladda ayaa waxaa abaalmarino kala duwan la guddoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda ee dadaalka badan u muujisay sare u qaadidda aqoontooda luuqadeed, iyagoo goobta ku soo bandhigay ruwaayad ka turjumeysa muhiimaddu ay waxbarashadu leedahay.

 

  

Previous Post

Taliska Ciidanka XDS Oo Digniin Adag u Diray Dadka Baraha Bulshada Sida Been Abuurka Ah Ugu Sameystay Magaca Taliyaha

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In