Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Jaamacadda City oo ardayda Jaamacadda u qabatay xaflad qalin jebin ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka Jaamacadda City oo ardayda Jaamacadda u qabatay xaflad qalin jebin ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadan ay ku qalin badalanayeen qaar ka mid ah arday dhameysatay luuqada English ka iyo barnamijka   aas aasiga u ah Jaamacadda City {foundation program} ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah gudoomiyasha degmooyinka gobolka benadir, bahda waxbarashada, Madax ka socotay Jaamacadaha qaar, waalidiin iyo ardayda Jaamacadda, xafladaas oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda City ee Yusuf Al-kawnayn ee magalada Muqdisho.

Qaarka mid ah dadkii ka hadlay xafladda  ayaa soo dhaweeyey hanaanka tayaynta tacliinta sarre ee Jaamacadda City, iyagoo ardayda ugu baaqay inay heystaan fursad dahabi ah oo aysan helin ardayda asaagooda ah ee wax kabarato gudaha dalka soomaliya.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Prof Yaasin Barkhadle, Guddoomiye kuxigenka dhanka wax barashada ee Jamacadda City oo furay munasabada ayaa sheegay in Jaamacadda City ay haldoor u tahay wax barashada Soomaliya, asagoo balan qaaday in Jaamacada City looga maarmi doono in wax barasho dibada loo aado.

Daa’uud Yuusuf Maxamed Madaxa Barnaamijka aas aasiga waxbarashada ee Jaamacadda City ayaa sheegay in ujeedka ay u qaateen barnaamijkan uu yahay sidii ardayda looga dhisi lahaa dhanka luuqadda Englishka iyo xisabta , isla markaana ay sal u yihiin sare u qaadidda tacliinta sare ee dalka.

Drs Sacdiyo Maxamuud Maxamed oo ku hadlaysay magaca waalidiinta xafladda ka qeyb galay ayaa bogaadisay maamulka iyo ardayda Jaamacadda City, iyadoo xustay inay jamacadda city ay qaadatay tillaabo geesinimo leh waxtarna uah ardayda nasiibka uyeelatay inay kafaidaystaan barnamijkan.

Guddoomiyaha Jaamacadda City Prof Cabdullaahi Axmed Bariise oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in barnaamijkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshadeena, sababta ay u qaateenna ay tahay sidii ardayda looga dhisi lahaa dhanka luuqadda, maadaama ay maadooyinka ku qaadanaayan luuqadda English ka.

Gabo gabadii xafladda ayaa waxaa abaalmarino kala duwan la guddoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda ee dadaalka badan u muujisay sare u qaadidda aqoontooda luuqadeed, iyagoo goobta ku soo bandhigay ruwaayad ka turjumeysa muhiimaddu ay waxbarashadu leedahay.

 

  

Previous Post

Taliska Ciidanka XDS Oo Digniin Adag u Diray Dadka Baraha Bulshada Sida Been Abuurka Ah Ugu Sameystay Magaca Taliyaha

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In