Saturday, January 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Maamulka Jaamacadda SKY oo shahaadooyin guddoonsiiyay arday “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Maamulka Jaamacadda SKY oo shahaadooyin guddoonsiiyay arday “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IMG_3156Maamulka Jaamacadda SKY ayaa maanta xaflad qalin jebin ah u sameeyay 55 arday dhameystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan shahaadooyin lagu guddoonayay 55 arday oo ah dufcaddii 2aad ee dhameysatay heerka Diplomaha ee kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SKY ayaa waxaa ka qeyb galay Waalidiin, arday, maamulka iyo macalimiinta Jaamacddda iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay, iyadoo xubnihii kala duwanaa ee xafladda ka hadlay ay si wada jir ah hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardayda maanta xafladda loo sameeyay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Maxamed Ibraahim Xasan oo ka mid ah maamulka Jaamacadda SKY ayaa sheegay in ardayda maanta qalin badalaneysa lagu dhiiri gelinayo inay qaataan shahaadooyin, ayna Jaamacaddu fursad u siisay inay halkooda ka sii wataan waxbarashada.

Prof  Maxamuud Siraaji Canshuur oo ahaa Madaxii kuliyada caafimaadka ee Jaamacadda lafoole ayaa ardayda ku booriyay inay ka faa’iideystaan cilmiga ay barteen, isla markaana ay ugu adeegaan bulshadooda.

Abwaan Mahad Xasan Fareey oo ka mid ah aqoonyahankii xaflada lagu casuumay ayaa goobta ka tiriyay tix gabay ah oo uu kaga hadlayay ahmiyadda ay waxbarashada u leedahay dhallinta, isagoo ku maanta la guddoonsiiyay shahaadooyinka ku booriyay inay u istaagaan sidii ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda.

Cumar Muxudiin Cabdulle Madaxa xiriirka bulshada ee Jaamacadda SKY ayaa tilmaamay in Jaamacadda ay xoogga saareyso tayaynta tacliinta sare ee dalka, isagoo bulshada ka codsaday inay dhiiri geliyaan ardayda wax baraneysa.

Qaar ka mid ah ardayda la gudoonsiiyay shadaadada dhiiri gelinta ah diplomada ayaa Warbaahinta Qaranka uga maray dareenkooda maanta.

Guddoomiyaha Jaamacadda SKY ee magaalada Muqdisho Maxamed Macalin Xasan oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in ujeedka munaasabadda ay tahay labo qeyb oo kala ah soo xirida siminaar loo qabtay ardayda Jaamacadda iyo in shahaadooyin diplomaha ah la gudoonsiiyo qaar ka mid ah ardayda..

Ugu dambeyntii waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda baratay kuliyada kala duwan ee Jaamacadda SKY ay bixiso.

IMG_3043 IMG_3047 IMG_3050 IMG_3059 IMG_3066 IMG_3077 IMG_3084 IMG_3120

IMG_3130 IMG_3148 IMG_3156 IMG_3176 IMG_3262 IMG_3294 IMG_3302 (1) IMG_3313 IMG_3320 IMG_3326

 

 

Previous Post

Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta soo xiray Barnaamijka Barro Dalkaaga

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled

Next Post
Madaxweynaha oo madaxda gobolka kala hadlaya arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In