Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Maamulka Jaamacadda SKY oo shahaadooyin guddoonsiiyay arday “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Maamulka Jaamacadda SKY oo shahaadooyin guddoonsiiyay arday “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

IMG_3156Maamulka Jaamacadda SKY ayaa maanta xaflad qalin jebin ah u sameeyay 55 arday dhameystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadan shahaadooyin lagu guddoonayay 55 arday oo ah dufcaddii 2aad ee dhameysatay heerka Diplomaha ee kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SKY ayaa waxaa ka qeyb galay Waalidiin, arday, maamulka iyo macalimiinta Jaamacddda iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay, iyadoo xubnihii kala duwanaa ee xafladda ka hadlay ay si wada jir ah hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardayda maanta xafladda loo sameeyay.

Related posts

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

September 1, 2026
Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026

Maxamed Ibraahim Xasan oo ka mid ah maamulka Jaamacadda SKY ayaa sheegay in ardayda maanta qalin badalaneysa lagu dhiiri gelinayo inay qaataan shahaadooyin, ayna Jaamacaddu fursad u siisay inay halkooda ka sii wataan waxbarashada.

Prof  Maxamuud Siraaji Canshuur oo ahaa Madaxii kuliyada caafimaadka ee Jaamacadda lafoole ayaa ardayda ku booriyay inay ka faa’iideystaan cilmiga ay barteen, isla markaana ay ugu adeegaan bulshadooda.

Abwaan Mahad Xasan Fareey oo ka mid ah aqoonyahankii xaflada lagu casuumay ayaa goobta ka tiriyay tix gabay ah oo uu kaga hadlayay ahmiyadda ay waxbarashada u leedahay dhallinta, isagoo ku maanta la guddoonsiiyay shahaadooyinka ku booriyay inay u istaagaan sidii ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda.

Cumar Muxudiin Cabdulle Madaxa xiriirka bulshada ee Jaamacadda SKY ayaa tilmaamay in Jaamacadda ay xoogga saareyso tayaynta tacliinta sare ee dalka, isagoo bulshada ka codsaday inay dhiiri geliyaan ardayda wax baraneysa.

Qaar ka mid ah ardayda la gudoonsiiyay shadaadada dhiiri gelinta ah diplomada ayaa Warbaahinta Qaranka uga maray dareenkooda maanta.

Guddoomiyaha Jaamacadda SKY ee magaalada Muqdisho Maxamed Macalin Xasan oo soo xiray xafladda ayaa sheegay in ujeedka munaasabadda ay tahay labo qeyb oo kala ah soo xirida siminaar loo qabtay ardayda Jaamacadda iyo in shahaadooyin diplomaha ah la gudoonsiiyo qaar ka mid ah ardayda..

Ugu dambeyntii waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay qaar ka mid ah ardayda baratay kuliyada kala duwan ee Jaamacadda SKY ay bixiso.

IMG_3043 IMG_3047 IMG_3050 IMG_3059 IMG_3066 IMG_3077 IMG_3084 IMG_3120

IMG_3130 IMG_3148 IMG_3156 IMG_3176 IMG_3262 IMG_3294 IMG_3302 (1) IMG_3313 IMG_3320 IMG_3326

 

 

Previous Post

Duqa Magaalada Muqdisho oo maanta soo xiray Barnaamijka Barro Dalkaaga

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled

Next Post
Madaxweynaha oo madaxda gobolka kala hadlaya arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Jeneral Maxamud Maxamed Guled

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

MADAXWEYNAHA JFS OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA DALALKA DHEX-DHEXAADKA AH

September 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In