Noole kasta oo jooga Adduunkaan waxaa Saldhig u ah Noloshiisa Dhan kaste Biyaha iyadoo biyuhu uu qeyb weyn ku leeyahay Nolosha Dadka iyo Duunyada, waddan walba oo ku yaal Dunida waxa uu leeyahay Qorshayaal lagu horumariyo Biyaha Soomaaliya waxa ay ku tallaabsatay Horumarro Badan oo laga Sameeyay Dhanka Biyaha, Gobol Degmo, Tuulo iyo Meelkasta oo ka mi ah dalka waxaa laga hirgaliyay Ceelal dadka iyo Duunyada ay ka biyo Cabaan taas ayaana saldhig u ah Doorka muuqda ee Sannadkaan Soomaaliya Dhanka Biyaha ay ka gaartay.
Guddoomiye ku xigeenka Shirkadda Horumarinta Biyaha Prof Maxamed Sheekh Mahdi Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn maadaama Magaalada Muqdisho ay ku tallaabsatay Horumarro badan oo laga Sameeyay Biyaha, iyadoo meelo badan oo dalka ka mid ahna laga hirgaliyay Ceelal Biyaha dadku ay ka Cabaan.
“Maanta waxaa loo asteeyay maalinta Biyaha Adduunka ka shirkad ahaanna Qorsheheennu waxa uu yahay in dadku ay Cabaan Biyo Nadiif ah innaga iyo Dowladda Federaalka ahna Aad baan uga wada shaqeynaa Arrintaas” Ayuu Yiri Prof Maxamed Sheekh.
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka socda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Biyaha, iyadoo 22’ka bisha Maarso Sannad Walba Adduunka laga Xuso Maalinta Biyaha.